Shirkadda Maamusha Dekeda Berbera Ee DP World Iyo Jaamacadda Sheekh Oo Heshiis Kala Saxeexday.
December 4, 2022 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Shirkadda DP World Berbera Iyo Jaamacadda Sheekh ee barashada sayniska iyo tignoologiyadda ee magaceeda lasoo gaabiyo Sunsat ayaa heshiis ku kala saxeexday magaalada berbera.
Heshiiskaas oo daaranaa in Shirkadda DP World u dhisto jaamacada shaybaadhka (Laboratory) qiimihiisu ku kacayo in ka badan $250 kun oo dollar .
Suhail Albanna oo ah madaxa iyo maamulaha Shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Africa ayaa soo dhaweeyay heshiiskan xuseyna inuu indhihiisa kusoo arkay arday badan oo dadaalaysa oo doonaysaa iyo mustaqbal wanaagsan sameeyaan , shirkad ahaana kaalintayda ayaanu ka qaadanayn tageerada waxbarashada , waxaa xusay inay shirkada DP World tageero xoogan ka gaysto dugsiyada Abaarso iyo Barwaaqo University kuwaasi oo ay kasoo baxay dhalinyaro aqoon leh oo dalka wax usoo bartay kuwaasi oo qaarkood kasoo baxaan Jaamacada aduunka ugu qaalisan .