“Hadii Xisbi Urur Noqdo Dameerona, Waylo Way Dhali….”Siyaasi Cali Guray.
December 13, 2022 - Written by admin
Guntaba ha gaadhaan eh tobankan urur siyaasadeed waxba kama dhexeeyaan xisbiyada mucaaridka eh bal madaxwaynihii wax u sheegay ha waydiiyaan sadexdan sua’aalood in jawwab shaafida uu ka siin karo iyo in kale:
1.Doorashada ururada goorma ayaa la qabanayaa?
2.Doorashada ururada halkee laga qabanayaa
ma dalka oo dhan?
3.Doorashada ururada yaa qabanaya ee sharcigu ku Waajibinayaa in ay qabato?
Sadexdaa sua’aalood midna Muuse Biixi jawaab uma hayo ilaa Hadda. Hadaa maxay ku rumaysteen in doorasho ururo ay Qabsoomayso ka hor doorashada madaxtooyada? Jawaabtu Iyaga ayay u taal balse garo oo laftoodu jawaab uma hayaane Waxa ku filaaday sadaxdan xisbina ururo idinla siman bay Noqonayaan oo Somaliland markii ugu horaysay ma jirayaan sadex xisbi qaran ee bilaa xibiyo ayay ahaanaysaa ilaa…… Taas oo si toos ah uga horimanaysa dastuurka Somaliland!