Dawlada Maraykanka Oo Malaayiin Dollar ku Caawinaysa Qaarada Afrika.
December 14, 2022 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sanno ee soo socota.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.
Dalka Maraykanka waxaa gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka u dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika,.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu furmo maanta oo salaasa ah, waxaana la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.