Salaadiinta Beelaha Dhexe Ee Somaliland Oo Waayadan Dambe Ku Sugnaa Dalalka Khaliijka Ayaa Sheekh Cabdillahi Cabdiraxmaan Ucumaamaday Inuu Noqdo Oday Dhaqameedka Beelahaas Ee Wadamada Khaliijka
December 15, 2022 - Written by admin
Saaladiintii dhawaan ka tagtay Somaliland ayaa maanta (14/12/2022) u igmaday Cabdillahi Cabdiraxmaan in uu oday dhaqameedka iyo Salaadiinta SL ee Beesha dhexe ku metelo arrimaha Dhaqanka ee wadamada Khaliijka.
Sheekh Abdillahi oo maanta xilka loo caleema saaray wuxuu ka odayayn doona una idman yahay xallinta mashakiilka gudaha iyo dibeda ee dadka ku abtirsadda Beesha Dhexe ee SL ee ku sugan wadamada Khaliijka, Sidoo kale wuxuu la macaamili doona qabilooyinka kale ee ku nool Khaliijka ee Arrimaha beeshu ay galaan isaga oo metalaaya madax dhaqameedka idinka siiyey oo ah salaadiinta Beesha Isaaq ee ku sugan haatan Khaliijka.
Sheekhu sida loo igmaday wuxuu wax badan ku soo kordhin doonaa sumacadda iyo midaynta dadka ku dhaqan wadamada Khaliijka isagaana noqon doona duubka lagala xidhiidho hawlaha Dhaqanka ee Beesha Dhexe ee SL ee degan wadamada Khaliijka isagoo wakiil u ah golaha Dhaqanka ee Beesha Isaaq.
Warqadda aqoonsi ga iyo magaacaabida xilka waxaa si wada jir ah u sexeexay salaadiinta iyo Odayaasha hoos ku lifaaqan.