Fariin Caafimaad”Siyaabo Aad Ukaadido Oo Halis Caafimaad Ku Ah Kaadi h\Haystaada Iyo Kalyaha.
December 16, 2022 - Written by admin
Siyaabo aad u kaadido oo halis caafimaad ku ah kaadi haysta iyo kalyaha.
1. Inaad kaadida isku xajiso markay ku qabato adigoo is leh wax aad gacanta ku hayso dhamee, ama sheeko kuu socota macaansanaya. Waxay kugu keeni kartaa in xajiyuhu ku dabco oo aad hadhaw musqusha a la gaadhi waydo, infekshan kaadida ah iyo inay dhagaxaan kalyaha kaaga samaysmaan
2. Adoon kaadi dhamaysan oo aad hore u kacdo. Nijaas ku gaadha marka laga yimaado, waxay tani kugu keeni kartaa inaad hadhaw infekshan kaqaado oo ilaa kalyaha kaa gaadho
3. Inaad markay wax yar ku qabato ba soo kaadido. Waxay tani kugu keeni kartaa inay kaadi haystaadu u nuglaato xajinta kaadida inta jeer eed maalintii iyo habeenkii u kacdaa kaadi ay kugu badato oo hurdo la’aan ba kugu dhacdo
4. Ducashada badan markaad kaajayso, adoo dagdag is leh. Tani waxay kugu keeni kartaa inaad yeelato babaasiir, hernia iyo in ay ku dabcaan muruqyada miskuhu.
5. Biyaha oo cabitaankoodu kugu yaryihiin. Waxay keentaa inay kaadidaadu midab rasiin ah yeelato, urto, oo dhagaxaan iyo infekshan kugu dhacaan.
Akhriste ilaali kalyaha iyo kaadi mareenkaaga