Hooyo aan $10 haynnin oo la ilmaynaysa xanuunka wiilkeeda haya oo dhakhaatiirta Hargeysa sheegeen in uu ku dawoobayo qalliin ah $3000:
December 16, 2022 - Written by admin
Hooyo aan $10 haynnin oo la ilmaynaysa xanuunka wiilkeeda haya oo dhakhaatiirta Hargeysa sheegeen in uu ku dawoobayo qalliin ah $3000:
“Maanta qof familygayga ka xanuusanaya ayaan dhakhtarka kusoo eegay markaan is idhi soo bax ayaan arkay hooyo gaadhigayga ku tiirsan oo ilmaynaysa iga dhaqaaqbaan odhan kari waayay waan yara ag istaagay markay i argatybay naxdayo dagdag bay ilmadii iskaga biisay
Waxaan ku idhi habo maxaa ku helay waxay igu tidhi wiil aan dhalaybaa iga xanuusanaya habeen dhawyd uunbaa lagu soo booday hadda dhakhtaradu waxay iisheegen in xanuunkiisu maskaxda yahay qalniin dagdag ahna ubaahanyahay qalniinka diyaarso ayay igu yidhaahdeen waana 3kun oo doller!
3kun iska daaye 10$ ma hayo ciyaal yaryarbu dhalay gabadhiisii ciyaalkiibay haysa halkaasban kolna cararaa oo aan cuntada usoo kariyaa kolba waxa uu karo dhinacna aan kahayaa isaga,
Waa adduunyo iyo xaalkeed oo waala isku keen eegayaa wixii markaa anigu aan hayay ayaan udiray intan maanta dawo usiiban ku idhi wixi kale ee ilaahay iigu kaa soo dhiibana sariirtaadan kuugu keenaya cuntadana anigaa kuu keenaya intaa annagana qofka xanuusanaya dhakhtarka nagaga jiro ee aan imanayo dhakhtarka,
Sadaqada wala iskugu danbi dhaafa muraadka qofka ayay fudaydisaa sidoo kale markaad xanuusanayso ama ehelkaaga qof ka xanuusanayo waxbaa la sadaqaystaa waaki nabigeenu scw lahaa daa’uu mardaakum bisadaqah isku daweeya sadaqada maantana waa jimce fadliga jimcaha awgii qofkastaw waxaad awoodayso iigu soo dir hooyadaa ilmaynaysa aynu ka farxinno dadka inta ila ehelka iyo asxaabta ahban udhex marayaa waxay unoqoto sariirteediban ugu gaynayaa
Qofkii qof islaam ah kurbo ka kor qaada rabbibaa isagana faraj ufura kasoo farxiya ilaahay ha inoo fudaydiyo wax bixintee