“Hadal Aan Tudhaale Lahayn, Dadka Oo La Colaysiiyo, Xaafad Xaafadna Loo Kala Saaro, Qarannimadu Taas Maaha”Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi”Daawo Muuqaal
December 17, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farriin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta dalka kusoo foolka leh u diray, axsaabta, ururrada siyaasadda iyo shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqa in si milgo iyo xilkasnimo leh loogu diyaargaroobo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinka midda ururradu ugu soo horrayso ee dalka ka qabsoomi doonta sannadka soo socda ee 2023-ka.
Madaxweynaha oo ka hadlayey madal uu maanta ku daah-furay ciyaaraha horyaalka Horyaallada, ayaa ugu horrayn ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee dalka ka bilaabmi doonta dhammaadka Bishan December ee aynnu ku gudo jirno, waxana uu bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursaddaas loogu oggolaaday inay isdiiwaagelinayaan,“Sannadkan soo socda ee 2023-ku Insha Allah wuxu noqon doonaan sannad doorasho, laba doorasho iyo diiwaangelin baa isu-keen daba yaalla. Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa 28-ka Bishan, Qarankana guud ahaan waxan ugu baaqayaa ciddii kaadh ka lumay ama meel u beddelanaysa ama immika soo gaadhay da’dii la diiwaangelinayey in la siiyey fursad qaali ah oo qaranka qiimo weyn ku joogta, si gaar ahna gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay maanta codkooda kaga qaybgalaan dalka hoggaamintiisa.”