berberatoday.com
Xulka Kubada Cagta Argentina Oo Loo Caleema Saaray Horyaalka Aduunka Kadib Markay Ku Guulaysteen Koobkii Aduunka
December 18, 2022 - Written by admin

(Doha) 18 Dis 2022. Xulka Argantina ayaa loo caleemo saaray Koobka Adduunka 2022 kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah kaga qaadeen dhigooda France, ciyaar leysku daalay oo ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Argantina.

Daqiiqadii 23-aad Argantina ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lionel Messi, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

36 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Di Maria oo caawin ka helay saaxiibkiis Alexis Mac Allister ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Argantina.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 80-aad xulka qaranka France ayaa dhaliyay gool waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay Kylian Mbappé, kaddib markii uu gool u badelay rigoore uu garsooraha ku abaal-mariyay.

Laakiin waxay wax walba is badeleen daqiiqadii isla daqiiqadii 81-aad kaddib markii dheesha 2-2 uu ka dhigay weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé.

Ugu dambeyntii 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 2-2 ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah.

Daqiiqadii 108-aad Lionel Messi ayaa markale hoggaanka u dhiibay xulka qaranka Argantina kaddib markii uu dheesha ka dhigay 3-2.

Laakiin xulka France oo aanan quusan ayaa daqiiqadii 118-aad wuxuu helay rigoore waxaana gool ka dhigay Kylian Mbappé, ciyaarta ka dhigay barbardhac 3-3.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta oo kale ku dhammatay barbardhac ayaa waxaa koobka ku guuleystay xulka qaranka Argantina kaddib markii rigoorayaal 4-2 ah uu kaga qaaday dhigooda France.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews