berberatoday.com
Wax Ka Ogow Lacagta Uu Qaadanayo Dalka Ku Guulaysta Koobka Adduunka?
December 19, 2022 - Written by admin
Koobka Adduunka

Cayaaraha Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar ayaa la soo gabagabeynayaa fiidka caawa ah, xilliga Geeska Afrika.

Shanta dal ee Afrikaanka ah ee soo gudbay ayaa kala ah Morocco, Ghana, Senegal, Tunisia iyo Cameroon.

Nigeria oo ah dalka ugu weyn Afrika ayaan soo gudbin si la mid ah Masar oo uu ka soo jeedo cayaaryahanka caanka ah ee Mo Salah.

Dalalka ka qeybgala cayaarahan ayaan keliya la hoyan doonin farxadda ah inay cayaareen, balse waxyaabaha uu Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ugu talogalay waxaa ka mid ah lacag.

Imisa lacag ah ayay bixineysaa FIFA?

Koobka Adduunka

XIGASHADA SAWIRKA,FIFA

FIFA ayaa lacag dhan 440 milyan oo dollar ugu talogashay Koobka Adduunka 2022 ee ka dhacaya Qadar. Lacagta ay ku bixisay Koobka Adduunka 2018 ayaa ahayd 400 oo milyan oo doollar, halka kii 2014 ay ku baxday 358 milyan oo dollar.

Dalalka u qalma ka qeybgalka Koobka Adduunka

Dalalka u qalmay inay ka qeyb galaan Koobka Adduunka 2022 ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan 2.5 milyan oo doollar si ay u diyaar garoobaan.

Dalalka ku hara heerka group-yada

Dalalka cayaaraha ka qeyb gala balse ku hara heerka group-yada ayaa la siiyaa 9 milyan.

Wareegga 16

Dal walba oo u soo gudba wareegga 16 ayaa qaadanaya 13 milyan oo doollar, iyo lacagtii uu ka soo qaatay group-yada.

Rubuc-dhammaadka

FIFA ayaa sidoo kale 17 milyan oo doollar ugu talo gashay dal walba oo u soo gudba rubuc-dhammaadka cayaarta.

Nus-dhammaadka

Dal walba oo u soo gudba nus-dhammaadka ayaa la hoyanaya lacag intaasoo dhan ka badan. Balse booska uu dalkaasi ka galo nus-dhammaadka ayaa go’aaminaya inta lacag ee la siinayo.

  • Booska afaraad, waxay kooxdu la hoyaneysaa 25 milyan oo doollar
  • Booska saddexaad waxaa lagu bixinayaa 27 milyan oo doollar
  • Kooxda kaalinta labaad gasha ayaa qaadaneysa 30 milyan oo doollar
  • Halka kooxda ku guuleysata Koobka Adduunkana ay la hoyaneyso 42 milyan oo doollar
Argentina iyo Faransiiska ayaa maanta wada dheelayaa ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka

Abaal-marinnada kale ee Koobka Adduunka

FIFA ayaa abaal-marinno kale ugu talogashay Koobka Adduunka. Koob dahab ah ayaa la siinayaa kooxda ku guuleysata koobka.

Kooxaha soo gala kaalmaha labo iyo saddex ayaa la siinayaa koob bir ah.

Waxaa sidoo kale qalab cayaaraha la siinayaa kooxda kaalinta koowaad gasha. Sidoo kale waxay FIFA bixineysaa shahaado heerka diploma ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews