Dawlada Taiwan Oo Saaka Ku Waabariisatay Hawadeeda Iyo Badeeda Oo China Dhoolatus Miltari Ku Samaynayo
December 26, 2022 - Written by admin
Dowladda Taiwan ayaa shaaca ka qaadday in ay saaka ku waabariisatay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kani uu yahay mid ka mid ah duullaannadii ugu weynaa ee uu Shiinaha soo maleego.
Waxa ay sidoo kale Taiwan sheegtay in lixdan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah la arkay, iyada oo intaa ku dartay in afartan iyo saddex diyaaradood oo qaada ciidamada cirka oo Shiinaha laga leeyahay ay ka gudbeen khadka dhexe ee gacanka Taiwan muddo 24 saacadood ah.
Milateriga Shiinaha ayaa sheegay inay dhoollatusyo ka sameynayaan daandaansiga Mareykanka iyo jasiiradda Taiwan.