Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Heshiis Waxbarasho la Gashay Jaamacadda Abaarso Tech!
December 27, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Isniinta maanta heshiis waxbarasho ay kala saxeexdeen Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Axmed Xuseen Ciise. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa heshiiska ku wehelinayay la taliyaha dhanka farsamada ee Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur halka Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso ay wehelinayeen Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Axmed Ismaaciil Cabdi iyo Mawliid Cabdilaahi Yoonis oo kamid ah hormuudada (Deans) Jaamacadaasi.
