“Laascaanood ama Dhulbahante horta xoog laguma qabsan karo. Dhulbahante waa la qabsaday waxa ay cay ku tahay ahaanshiiyaha, dadnimada iyo sooyaalka deegaankaas. W/Q Cumar Seerbiya
December 30, 2022 - Written by admin
Laascaanood ama Dhulbahante horta xoog laguma qabsan karo. Dhulbahante waa la qabsaday waxa ay cay ku tahay ahaanshiiyaha, dadnimada iyo sooyaalka deegaankaas. Somaliland waxa Laascaanood keenay dad Dhulbahante ah oo dhaqan, siyaasi iyo gacansatoba leh. Waxa Somaliland Laascaanood keenay dad reer Laascaanood ah oo danta Laascaanood sidaa u arkay.
Hagaag. Dilalka qorshaysan ee ka dhaca Laascaanood muddo ayay soo socdeen. Qof ahaan waan diiddanahay, xogogaalnimadayduna way diiddantahay in la yidhaahdo Somaliland ayaa laysay dadkaas. Xaqiiqadu waxa weeyaan in dadkaa la laayay ay 99% ka mid ahaayeen hawl wadeennada gobolka Sool ee Somaliland. Sidee maamul u layn karaa dadka isaga u shaqeeya? Maamulku waxa uu layn karaa dadka ka soo hor jeeda. Ma layn karo dadka isaga taageersan ee u adeegaaya.
Sida laga bartay taxanaha taariikheed, magaalooyinka khilaafkan noocan ahi uu ka jiro waxa ka faa’idaysta oo danahooda gurracan ka dhex raadiya xoogag bannaanka ah. Waxa taa laga bartay Gaalkacayo. Waa tusaalihii Guddoomiye Sanyare oo ugu dambayntii bannaanka soo dhigay halistii qarsoonayd ee dadka ku layn jirtay Gaalkacayo. Taas oo meesha ka saartay shakigii laga qabay in beeluhu is ugaadhsadaan, maantana ay Gaalkacayo nabad ku tahay. Sidaasidaraaddeed, maamulka gobolka Sool waxa la gudboon in ay runta iyo xaqiiqada ka sal gaadhaan oo halista gobolkooda taalla xalliyaan.
Dadka mudaharaadka samaynaaya ee lagu laayay Laascaanood waan cambaaraynayaa. Waa foolxumo iyo fashil. Taasi laakiin kuma koobna Laascaanood. Waa tii shalay New Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo dadka lagu laynaayay. Waa tii shalay hooyooyinka Hargeysa jooga lagu tumanaayay. Waa tii shalay ragga xiniinyaha ka saaraysay.
Waxa Qoray Cumar Seerbiya