Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eng, Cali Xoorxor Umagacaabay Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Qoyska Iyo Arimaha Bulshada
   January 4, 2023 - Written by admin
       
       
   
    
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eng, Cali Xoorxor Umagacaabay Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Qoyska Iyo Arimaha Bulshada
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
 
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
 
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
 
Markaan Sameeyey: La-tashi;
 
In Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
 
