Eng. Cali Xoorxoor Oo Gudoomiyay Maanta Shir Lagu Dardar Galinayo Arimaha Bulshada Ee Heer Qaran
January 9, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed Xoorxor ayaa maanta shir gudoomiyay Shir ay isugu yimadeen Gudiga Arrimaha Bulshada ee golaha wasiiradda.
Guddida Arrimaha Bulshada Golaha Wasiirrada JSL ayaa maanta kulan la yeeshay Guddida Farsamo ee Daraasada Lacagta Taakulada Bulshada.
kulankan oo uu shirgudoominayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoysku. Shirkan ayaa diirada lagu saaray dhamaystirka qorshaha guddida farsamo ay ku hawlgalayaan, gabagabadii shirka ayaa si wada jir aha loogu ansixiyay qorshe hawleedkii Gudida Farsamo.