Dowladda Mareykanka Oo Lacag Malaayiin Dollar Ah Duldhigtay Xogta Iyo Madaxa Sarkaal Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab!
January 14, 2023 - Written by admin
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney ku bixineyso xogta iyo madaxa Maxamuud Cabdi Aadan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab lacag dhan $10 Milyan oo dollar.

Maxamuud Cabdi Aadan ayaa ku eedeysan inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Dusit D2 oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana weerarkaas oo ahaa mid ku bilaawday qaraxyo oo uu xigay dagaal toos ah uu qaatay soo afjaridiisa mudo ku dhaw 24 saacadood.