Gudoomiye Kuxigeenka Haayada Qaxoontiga Oo Soo Xidhay Kulan Ay Haayadu Iskugu Yeedhay Haayadaha Caalamiga ah Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay!
January 20, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye kuxigeenka haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha qaranka Marwo Faadumo Cabdilaahi Cumar ayaa soo xidhay kulan ay haayada qaxoontigu iskugu yeedhay haayadaha caalamiga ee dalka ka hawlgala iyo kuwo maxaliga Mudo sedex cisho ah ka socday xarunta haayada Qaxoontiga kaasi oo lagaga arinsanayay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ka baracay magaalada laascanood.

