Ciidamada Eritariya Oo Ka Baxay Magaalooyin Gobolka Tigray kamid Ah oo Ay Hore Uhaysteen
January 21, 2023 - Written by admin
Mekkele(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen goobo ay kaga sugnaayeen Adwa iyo Aksum oo ka tirsan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.
Goobjoogayaal ku sugan magaalooyinka Adwa iyo Aksum ee gobolka Tigray, ayaa Warbaahinta u sheegay inay arkayeen Ciidamada Eritariya oo wata gawaadhidooda kala duwan ee dagaalka oo kasii baxaya gobolka Tigray, iyagoo ku dhawaaqaya hal ku dhegyo ay kamid yihiin ” Eritariya way guuleysatay”.
