berberatoday.com
Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Lacagta Cashuurta Ku Kordhisay Jaadka Itoobiya Miirooga Kenya-na Cashuurta Ka Dhintay
January 22, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada Maaliyada Somaliland oo Wareegto Kusoo saartay cashuurta Jaadka Hereriga ee Itoobiya kayimaada oo la kordhin doono halka Jaadka Miirooga ee Kenya kayimaadana cashuurtiisa la dhimi doono.
Jaadka Itoobiya kayimaada oo 1kg lagu Cashuuri Jiray markii hore 1.567$ oo udhiganta 11000 Sl shilin ah hada waxa laga dhigay 3.77829$ oo Udhiganta 28000. Sl shilin. Geedka Jaadka Jabiska ahi waa 4kg waxaana hore looga qaadi Jiray 44,000 Sl shilin hadana waxa lagu Cashuuri doonaa 112,000 Sl shilin.
Jaadka Miirooga waxa hore loogu cashuuri jiray 1kg 4.50$ oo udhiganta 38250 Sl shilin ah hadana Waxa laga dhigay 3.77829 oo udhiganta 28000. Sl shilin.
Wareegtadani waxa ku saxeexan Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire waxaanay Dhaqan galaysaa habeen dambe 23 January 2023.
Ganacsatada Jaadka Itoobiya ka Keena ayaa hore Itoobiya ugu kicisay lacagta LC-ga lagu dalbado Jaadka oo hore u ahayd 3$ waxaana laga dhigay 10$ waxaanay cabashadooda tiraba dhawr jeer ka Baahiyeen warbaahinta iyagoo ku goodiyay inay joojinayaan Jaadka Itoobiya ay ka Keenan Yemena Jaad kale kadalban doonaan.
Warar kaloo ay heshay Warbaahinta Berbera Media Inc ayaa sheegaya inay Dawlada Itoobiya tiraba laba Jeer Xukumada Somaliland kaga baxday Wada xaajood ay doonaysay inay ku dhexdhexaadiso Ganacsatada Somaliland ee Jaadka Itoobiya ka Keena dawlada Itoobiya.
Talaabadan ay Xukumada Somaliland ku kordhisay Cashuurta Jaadka Itoobiya kayimaada kan Kenya Kayimaadana hoos ugu dhigtay ayaa umuuqata dabar Xukumadu ku xakamaynayso Qiimaha xad dhaafka ah ee Itoobiya ku kordhisay Lacagta LC-ga ee Jaadlayaasha Somaland Jaadka Ku dalbadaan Wada xaajoodkana ka diiday Xukumada Xabashidu.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews