“Somaliland Meel Ay Ku Socoto Anigu Garan Maayo” Muuse Biixi Inuu Ku Fashilmay Hogaamintii Qarankuna Way Caddahay”Cali Guray
January 28, 2023 - Written by admin
TALO ADIGAA KU NOOL EE IYADU KUGUMA NOOLA
Somaliland meel ay ku socoto anigu garan maayo. Muuse Biixi in uu ku fashilay hogaamintii qarankuna way caddahay oo cidna Caad kama saarna. In uu ka horbaydho doorashada oo isbedel Cusubi yimaado ma ogola sida aan arkayo. Khilaafkii siyaasdda Markaa waxa laga filaa waa halkiisii iyo ka sii daran. Qarax Laascaanoodna goor aan loo fadhiyin ayuu durba sidii webi karaar dhaafay in uu karkaarka jebiyo halis u yahay. Muuse Hadal lagama hayo aamuskuna khayr uma soo sido. Xalka sida uu u bartay waa in tiisa uu qasab ku meel mariyo cidii ka hor timaad xadhig iyo xabad wax aan ahayn ku deyi maayo sida caadada u ah ee lagu bartay. Xadhig iyo xabbadina xal maaha mana u noqon karto khilaafka siyaasadda iyo qarax Laascaanood midna.