berberatoday.com
Xoghayaha Golaha Guurtida Oo Caqabad Ku Noqday Xeer Qaranka Somaliland Umuhiim Ah Iyo Dareenada Ku Gadaaman!
February 1, 2023 - Written by admin

Maxaad Kala Socotaa Doorkii Uu Xoghayaha Golaha Guurtidu Ku Lahaa Majaro Habaabinta Xeerka Qaxoontiga & Magangalyo Doonka?

Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Aadan beegsi Oo Hada mudo dheer ahaa Xoghayaha Aqalka Odayaasha Somaliland ayaa saamayn xoogan ku leh xeerarka golaha la horkeeno kuwaasi oo sida ilaa hada Xogaha soo ifbaxayaa ay Banaanka Keeneen Uu Xoghaye Cabdinaasir ku kacay falal ka hor imanaya Qawaaniinta golaha guurtida, islamarkaana halis ku ah qaranka, kana soo horjeeda Masuuliyadii uu uxilsaarnaa iyo dhamaystirka xeerarka dalka muhiimka  U Ah, kuwaasi oo aan la garanayn sobobta ku kaliftay in uu Talaabooyin Wax Isdaba Marin Ah, lagu eedeeyo.

 

Xoghaye Cabdinaasir oo shaqadiisa ugu weyni tahay Maamulka Xarunta Golaha Guurtida, kaydinta Xeerarka uu Goluhu Ansixiyo, xidhiidhinta Guurtida iyo Goleyaasha kale ee Qaranka iyo akhrinta Xeerarka hor-yaalla Golahaasi, ayaa hadda ka gudbay xayn-daabka waajibaadkiisa qoran, waxaanu helay fursad uu kaalin Talo kaga geysan karo Xeerarka Qaranka ee la ansixinayo, maaddaama oo Shir-guddoonka Golaha Guurtidu mar walba ku daro Guddiyada ay u saaraan Naaqishaadda Xeerarka ka soo gudba Golaha Wakiillada.

Hadaba xeerkii Udanbeeyay ee Golaha Wakiiladu ansixiyeen islamakaana usoo Gudbiyaan Golaha guurtida ee Xeerka Qaxoontiga Iyo Magangalyo Doonka ayaa doodii uhoraysay Ee mudanayaasha golaha Guurtida wuxu ka dhex dhaliyay Buuq sobobay in Gudoomiyaha Golaha Guurtidu gudi usaarto xeerkan si ay usoo naaqishaan iyadoon Gudidaasi lagu Daray Xoghaye Beegsi oo Uu Banaanka ka ahaa,

Balse sida uu cadeeyay xildhibaan katirsan golaha guurtida oo isagu kamid ahaa gudidan loo Xil saaray xeerka Ayaa markii ay Golaha Kusoo Celiyeen xeerka kadib sheegay in Xoghaye Beegsi oo aan gudidan kamid ahayn iyo dhowr xubnood oo kale  ay meel la galeen xeerkii taasi oo aanay waxbka kala socon waxyaabaha kusoo dareen iyo kuwa ay ka reebeen hadalka xildhibaan ayaa banaanka keenay Tuhun laga qabay xoghayaha guurtida oo isagu sida la sheegay xeerkan isagu dano gaara ka lahaa, taasi oo sobobtay in xeerkii Qaxoontiga iyo dadka Magangalyo doonka uu noqdo mid sidii golaha wakiilada kusoo ansixiyeen islamarkaana gudidan shir gudoonka guurtidu usaaray ku naaqisheen in aan maanta lagu ansixin lana meel mariyay mid ka duwan, oo  lagu sameeyay dhalan rog iyo in xeerka laga saaro qodobadii aas aaska u ahaa, kuwaasi oo dhaawacaya muhiimadii uu qaranka u lahaa,

Sikasta oo ay tahay ficilada xoghaye beegsi ayaa abuuray dareeno la xidhiidha sobobta xoghaye gole qaran uu umajaro habaabiyay xeer qaranka muhiim U ah iyo danaha qarsoon ee uu ka leeyahay kaasi oo ay ka dhasheen su,aalahani!

Xoghayaha golaha guurtidu ma waxa uu la shaqaynayay kooxo diidan in la meel mariyo xeerka qaxoontiga Iyo Magangalyo Doonka? Ma xisbiyada mucaaridka ayuu ku gacan siinayay farogalinta iyo isku dayada ay ku doonayaan inay fashiliyaan hawlaha qaranka iyo xukuumada Uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne biixi?

Isku soo wada duub oo talaabada uu xoghayaha golaha guurtidu ku farogaliyay xeerkan iyo kuwo kale ee qaranka dhamaystirkiisa umuhiim u ahba, ayaa noqonaysa mid ubaahan in shir gudoonka golaha guurtida fiiro gaar ah Uyeeshaan Ficilada Masuulkan, iyadoo Oo Dhanka kale ay muhiim tahay, in la sameeyo baadhitaano dheeraad ah oo ku Aadan qaabkii xeerkan loo majaro Habaabiyay iyo ujeedooyinka ka danbeeya.

HARGAYSA SOMALILAND

QORE FARXAAN MAXAMED BARKHAD.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews