Badmaaxiintii Doontu La Dagtay 4 Cisho Ka Hor Oo 10 Kamida Oo Nool Iyo Hal Ruuxa Oo Mayda La Helay
February 2, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-DekedacBerbera Waxa Saaka Subaxnimadii Hore Doon Keentay Hal Qof Meyd Ah Iyo 10 Qof oo Tabcaana oo Kamida Shaqaalihii 4 Habeen Kahor Dooni Xoolo Qaaday Kula Dagtay Masaafo Berbera Ujirta 50 Meyl.
Shaqaalahan Ayaa Laash Ay Doonta Dagtay Ka Goosteen La Sabaynaayay Biyaha Bada ee Galbeedka Somaliland Xiga Gaar ahaan Aaga Buurta Almis Halkaas oo Doon Gurma Loogu Diray Baadi Doon Badan Kadib kasoo Heshay
Marxuumka Geeriyooday oo Ahaa Naakhuudihii(Wadihii Doonta) Ayaa La Sheegay Inuu Ugeeriyooday Gaajo Iyo Daryeel La.aan Madaamu uu La Noolaa Xanuunka Sonkorta/Macaan.
Berberatoday.com