berberatoday.com
Badeecado Cashuurtooda La Xadaayay oo Boqol Milyan Kor Udhaaftay oo Maanta Lagu Qabtay Dekeda Berbera Iyo Lunsiga Cashuurta Dawlada oo Loo Heshiiyay
February 8, 2023 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-Kuldadii isku xidhnaa ee lunsiga lacagta kastamka Berbera oo soo laabtay , Mudooyinkii udanbeeyay waxa isa soo tarayay Lunsiga lacagta cashuurta ee kastamka Berbera waxana jaanta isla helay madaxda waaxyaha kastamka qaarkood iyo mukhalisiinta u cashuura ganacsatada Alaabooyinka kasoo dega dekada Berbera iyo waliba hay,adihii kale ee ilalinyta cashuuraha ee xafiisyada ku lahaa dekada gudaheeda, 

Lagasoo bilaabo bishii 12 ee sanadkii dhamaaday ee 2022 waxaa ilaa bisha labaad ee sanadkan cusub ee bilowga ah waxaa la qabtay lunsi lacageed oo dhowr boqol oo milyan ah oo dib looga shubay ganacsatadii alaabada lahayd kadib markii sida la sheegay khilaaf iyo is khiyamayn dhexdooda ahi kadhex qaraxday shaqaalaha uxil saaran soo cadaynta cashuurta badeecada iyo Mukhalisiinta kadibna qaar ka cadhooday kashifeen tuugada lacagta cashuurta kastamka ee la lunsanayay,

Bishii 12/2 022 ilaa bishii jenawari ee 2023 waxaa mid kamida shsqaalaha kastamka lagu qabtay lunsi lacag dhan 68 milyan oo Somaliland shilling ah isla labada bilood dhexdooda waxaa la qabtay lunsi lacageed oo dhan 32milyan oo Somaliland shilling ah labada ninba oo kamid ahaa shaqaalaha kastamka berbera waa la bedelay xarunta Hargeysa ayaana la geeyay ee Wasaarada Maaliyada, Bishan aynu ku jirno ee 2aad 2023 maanta oo ay tahay 8 bishu waxa la qabtay 68 milyan oo shilling iyo 65 milyan oo Somaliland shilling ah labadaa shaqaale ee ku kacay lunsiga lacagta cashuurta iyagana shaqadii waa laga joojiyay sidii caadadu ahaydna Hargeysa ayuunbay tagayaan oo xarunta dhexe ee Wasaarada Maaliayda ayaa loo bedelayaa halka ganacsadaha badeecada kala baxsanaayay cashuurtana la ganaaxayo 50% Lacagta ay noqoto cashuurta badeecada la qabtay,

Sidaynu ognahay dhawanta waxa la bedelay Agasimihii guud ee Wasarada Maaliyada Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan oo ahaa khabiir lafo guray shaqada kastamada iyo cashuuraha ilaalintooda lakiin hadana waxa sii xoogaystay mudii uu xilka hayay kooxaha isku mihnada ah ee uheshiiyay lunsiga lacagta cashuuraha taa waxa markhati ka ah dhamaan ragii uu geeyay goobaha awooda leh ee kastmada dalka waxay noqdeen hantiilayaal iskugu faana Guryaha qasriyada ah iyo babuurta qaaliga ah ee Hondai ee dahabshiil keeno, Waxa iswaydiin leh side buu wax uga qaban karaa Agasimaha cusub ee Wasaarad Maliyada ee dhawaan la magacabay Maxamed Xuseen Mu,adinka musuqmaasuqa kastamada galay , Had iyo jeer marka xaaladaha noocani yimaadaan waxaa caado u ahayd Wsiirka iyo Agasimaha guudba inay isku shaandhayn ku samayn jireen madaxda kastamada iyo waaxyaha muhiimka u ah dakhli ilaalinta culays adagna lasaari jiray taas oo mudo ka dib dabci jirtay markay dib isku fahman inta wada shaqaysaa,

Waxa xusid mudan in ganacsade kasta oo lagu qabto badeecad uu cashuurta kala baxsanaayay ay ufududeeyeen shaqaalaha Wasaarada Maaliyadu waxa la ganaaxaa 50% badeecadaha lagu qabtay cashuurteeda lacagtaasi oo kudhacda khasnada Maaliyada.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews