berberatoday.com
Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Oo Ka Hadlay Rajada Ay Ka Qabaan In Ay Hirgasho Xabad Joojintii Ay Xukuumadu Ku Dhawaaqday Ee Dagaalka Laascanood
February 15, 2023 - Written by admin

Hargeysa(Berberatioday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday ay suuragalin doonto in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.

 

Wasiir Kayd oo warbaahinta kula hadlay Afka Ingiriisiga, ayaa sheegay  in xabad joojintu ay suuragalin doonto in khilaafka wadahadal lagu dhameeyo, waxaanu sheegay in Somaliland markasta hesho wado ay arrimaheeda ku xalisato.

“10, 2, 2023 dowlada Somaliland waxay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, waxanan aaminsanahay tani in ay fursad siin doonto wadahadal, dadka reer Somaliland marka waxay helaan wado ay ku xaliyaan khilaaf kooda xasarad la’aan, waana dhaqankayaga” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Waxa uu sheegay in aanu umadina ka badbaadi karin dhibaatooyinka adduunka, ayna tahay qayb kamid ah sunaha nolosha, lakiin dadka reer Somaliland ay yihiin dad adkaysi leh, oo ka gudbi doona dhibaatooyinka, waxaanu shacabka usoo jeediyay in ay u midoobaan in xalka nabad lagu raadiyo.

Xukuumada Somaliland ayaa todobaadkan gudihiisa dhowr jeer ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruuda, lakiin wali dagaalka Laascaanood ayaa soconaya maalintii 9aad oo xidhiidha, isla markaana may hirgalin xabad joojintu.

Dagaalada ka soconaya Laascaanood ayaa galaaftay nolosha tobanaan qof, iyadoo tiro kale oo intaa kabdanina ay ku dhaawacmeen, sidookale, kumanaan qof ayaa ka qaxay magaalada colaada awgeed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews