berberatoday.com
Ciidamo Kasocda Dawlada Federaalka Itoobiya oo La Wareegay a=Amaanka Madaxtooyada Mustafe Cagjar Baadhitaana Ka Bilaabay Magaalada Iyo Sababta
February 16, 2023 - Written by admin
Jigiga(Berberatoday.com)-Ciidamo federaal ah ayaa xalay la wareegay Madaxtooyada Deegaanka Soomaalida iyo amniga Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar , iyada oo la beddelay ilaaladii gaarka ahayd ee Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Ciidamo ka socda Dawladda Federaalka ee Itoobiya, ayaa ka bilaabay Magaalada Jigjiga baadhitaan la xidhiidha tuhunno la sheegay in ay dul hoganayaan Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).
Tuhunadan ayaa ku saabsan doorka uu ku leeyahay xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo xiisad kale oo ka taagan Itoobiya oo la xidhiidha khilaafka Kiniisadaha iyo Dawladda Itoobiya.
Ma jiro war ka soo baxay Dawladda Federaalka ee Itoobiya oo ku saabsan ciidamadan baadhista ku wada Madaxweyne Cagjar .
Hase yeeshee warar xogogaal ah ayaa tibaaxay in cabasho laga gudbiyey Ciidamo Liyuu Boolis ah oo ka dagaalamay Laascaanood ay keentay in dawladda dhexe ee Itoobiya qaado tallaabooyin ay ka mid yihiin in Ciidamada Federaalka ah la keeno Xuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya, halka laga fogeeyey kuwa Liyuu Booliska, iyada oo baadhistan ay qayb ka tahay xogogaal u noqoshada dawladda Federaalka ee faro gelinta lagu eedaynayo in ciidamo Itoobiyaan ahi ka dagaalamayaan Sool.
Arrintan ayaa ka dambaysay, sida wararka Telefishanka Karamara TV baahiyey Xiisad siyaasaddeed oo halkaasi ka alloosan.
XIGASHO :- Saleebaan Saxansaxo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews