Dawlada Maraykanka Oo Ka Hadashay Xaalada Magaalada Laascanood, Kuna Baaqday In La Joojiyo Colaada, Arimahana Wada Hadal Lagu Dhameeyo!
February 17, 2023 - Written by admin
“Way Adag Tahay In Laascaanood Laga Helo Warbixinno Lagu Kalsoonaan Karo, Waxaan leeyahay Colaadda Hala Joojiyo, Arrimahana Wada hadal Ha Lagu Dhameeyo..” Safiirka Mareykanka
Muqdisho(Berberatoday.com)-Safiirka Dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André, ayaa ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku baaqay In colaadda taagan wada hadal lagu dhameeyo.