berberatoday.com
“Reer Laascaanod Dagaalka Waa Yaqaanaan In Lakala Adkaadana Waa Yaqaanaan, Laakiin Wax Intaa Udhaxeeya Ma Yaqaanaan, W/Q Mustafe Shiine
February 17, 2023 - Written by admin
Reer Laascaanood dagaalka waa yaqaanaan in la kala adkaadana waa yaqaanaan, laakiin wax intaa u dhaxeeya ma yaqaanaan.
Qolyahayaga Barigu haddii nabadu faraha ka baxdo, nabada waxa la helaa marka loo baahdo in nala kala qabto oo keliya, se iyadoo carcartu jirto nabad lagama hadlo, ninka doonaana waa ku soo fashilmaa.
Waxaan dhegaystay ALLE ha u naxariistee X. Cabdi Waraabe oo ka sheekeeyay laba nin oo Aabahood Caaqil ahaa oo ku kala duwanaa sida dhibta dhacda loo xalilo.
Kan weyn ee Caaqilka noqday waxa uu ahaa nin marka colaadi dhacdo ama laba nin is qabtaan “ka gaadh” is yidhaah, iyadoo ay weli carcartii jirto, dabadeedna wuu ku soo fashilmi jiray oo isagoo aan waxba uga soo qabsoomin ayuu iska soo noqon jiray.
Ka kalena marka “belada” la soo sheego xoolihiisuu iska waraabsan jiray reerkaanu isaga arrimin jiray, waxana uu nabadana u dhaqaaqi jiray marka dhinac walba u baahdo, kolka uu gaadhana waxa uu ku taliyo ayaa lagu kala bixi jiray.
Maalintii danbe ayaa walaalihii kii waynaa weydiiyay waxa isagu nabadu ugu qabsoonto ee isaga ” kan weyn” aanay ugu suurta gelin weliba isagoo ka dadaal badan ka damqasho badan ka nabad jecel.
Dabadeedna waxa uu ku yidhi ” Adigu waxaad arrinka gashaa inta ay carcartu jirto, anigu marka nabada loo baahdo.
Ogaada Soomaali sideedaba iyagoo qof la dilay ku heshiin waayay ayay boqol laga daba geeyay ka heshiisaa oo ay tidhaa ” wixii daantaana dabayli ha qaato, wixii daantaana daad ha qaado.
Waxaan maanta jeclaan lahaa oo iga lilaahi ah in Laascaanood nabadi ka islaaxdo, se markaan arkay in rag Somaliland ka soo jeedaa oo masuuliyiin ah ay waajib ku ahayd in ay ku xidhayaan nabadayntii sharuudo, Garaadadiina ay weli laalayaan ayaan is lee yahay “malaha weli carcartii baa jirta oo nabadi ma bislaan. “
ALLOW nabad, nabad baa naas la nuugo leh.
Waxa Qoray Mustafe Shiine

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews