Waa Maxay Carqaladaha Cusub ee Dib Udhigaysaa Dib Udhiska Warshadii Sibidhka ee Berbera”Faalo
February 23, 2023 - Written by admin
Waa Maxay Carqaladaha cusub ee dib udhigaysaa samaynta Warshadii Sibidhka ee Berbera,

Marxalado kala duwan ayay soo martay sidii loo dhisi lahaa Warshada sibidhka Berbera loogana fa,iidaysan lahaa khayraadka Buurhaha Cokan ee Berbera ku xeeraan,
Xiligii dalka laga xoreeyay Taliskii Milateriga ahaa uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Bare ee 1991-kii Warshada Sibidhku way shaqaynaysay wax walbana diyaar ayay u ahayeen lakiin caadiyan sida dhacda marka jabhadi bilaa qorshe wadan ku qabsato waxa dhaca burbur kale taasina waxay sababtay in warshadii hawlgab laga dhigo oo qaybo kamida la furfurto lagana iibiyo wadamada jaarka Somaliland sida xoguhu sheegaan.
Dabcana Arimo siyaasiya iyo dano is khilafay oo siyaasiyiin ka danbeeyeen ayaa 30 kii sano ee udanbeeyay suura galin waayay in warshad cusub la dhiso, Runtii waxa uguntaday dib udhiska warshada sibidhka Berbera odayaal kasoo jeeda Gobolka Saaxil iyo Ganacsato gobolada dalka oo dhan kasocday waxa xiligaas soo baxday Ifa faalo rajo wanaagsan ka muuqatay oo bilow unoqotay in laga fikiro sidii warshad sibidh loo Kicin lahaa si kasta haku timadee taasoo loo arkayay in talaabo loo qaday dhankii fiicnaa, waxaana qorshuhu ahaa in warshad saamilay badani leedahay la hirgaliyo oo laga fogaado wax qof leeyahay madaama khayraadka dalka lawada leeyahay Waxaase is xasuusin mudan markii arinkaasi xiligaa ay salka udhigeen odayashaa iyo ganacsatada isxilqaamay in mid kamida ganacsatada waaweyn ee dalku uu diiday inuu ka qaybgalo saamilayda wada yeelanaysa warshada sibidhka kana faa,idaystaan khayraadka buuraha sibidhka berbera ceegaaga waxaase wax layaableh noqotay markii uu waraaqo usamaystay buuraha sibidhka Berbera sidii baloodh ay bixisay dawlada hoosena laga dhigay laakiin Soomalidu waxay hore utidhi hunguri wax ka wayn la mariyaa wuu dilaaca waanay usuuragali wayday ganacsadahaas.
Hadaba waqti xadirkan waxa jira in 54 shirkadood oo wadani ah kuna Midoobay Magaca (Berbera Cement Factory)oo Somaliland oo dhan Cidhif ilaa cidhif kawada muuqdaan Deegaamadu ay ku shurakoobeen inay dib udhis ku sameeyaann Warshadii hore ee sibidhka Berbera si looga maarmo malaayiinka doolar ee dalka dibada uga baxda ee sibidhka lagag soo iibsado wadmada Cumaan,Iraan iyo Masar, Arinkan ayaa waxaa ka shaqeeyay odayaal ganacsato ubadan oo reer Saaxil ah iyo rag kaloo ganacsato ah iyadoo bilaha sanadkan ugu horeeyana la rakibi doono warshadii kowaad ee sibidhka soo saarta oo qaab casriya loo agaasimaya sida ay sheegayaan xogaha aanu ka helay shirkadaha ku midoobay Berbera Cement Factory,
