berberatoday.com
Waa Maxay Carqaladaha Cusub ee Dib Udhigaysaa Dib Udhiska Warshadii Sibidhka ee Berbera”Faalo
February 23, 2023 - Written by admin

Waa Maxay Carqaladaha cusub ee dib udhigaysaa samaynta Warshadii Sibidhka ee Berbera,

Marxalado kala duwan ayay soo martay sidii loo dhisi lahaa Warshada sibidhka Berbera loogana fa,iidaysan lahaa khayraadka Buurhaha Cokan ee Berbera ku xeeraan,
Xiligii dalka laga xoreeyay Taliskii Milateriga ahaa uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Bare ee 1991-kii Warshada Sibidhku way shaqaynaysay wax walbana diyaar ayay u ahayeen lakiin caadiyan sida dhacda marka jabhadi bilaa qorshe wadan ku qabsato waxa dhaca burbur kale taasina waxay sababtay in warshadii hawlgab laga dhigo oo qaybo kamida la furfurto lagana iibiyo wadamada jaarka Somaliland sida xoguhu sheegaan.
Dabcana Arimo siyaasiya iyo dano is khilafay oo siyaasiyiin ka danbeeyeen ayaa 30 kii sano ee udanbeeyay suura galin waayay in warshad cusub la dhiso, Runtii waxa uguntaday dib udhiska warshada sibidhka Berbera odayaal kasoo jeeda Gobolka Saaxil iyo Ganacsato gobolada dalka oo dhan kasocday waxa xiligaas soo baxday Ifa faalo rajo wanaagsan ka muuqatay oo bilow unoqotay in laga fikiro sidii warshad sibidh loo Kicin lahaa si kasta haku timadee taasoo loo arkayay in talaabo loo qaday dhankii fiicnaa, waxaana qorshuhu ahaa in warshad saamilay badani leedahay la hirgaliyo oo laga fogaado wax qof leeyahay madaama khayraadka dalka lawada leeyahay Waxaase is xasuusin mudan markii arinkaasi xiligaa ay salka udhigeen odayashaa iyo ganacsatada isxilqaamay in mid kamida ganacsatada waaweyn ee dalku uu diiday inuu ka qaybgalo saamilayda wada yeelanaysa warshada sibidhka kana faa,idaystaan khayraadka buuraha sibidhka berbera ceegaaga waxaase wax layaableh noqotay markii uu waraaqo usamaystay buuraha sibidhka Berbera sidii baloodh ay bixisay dawlada hoosena laga dhigay laakiin Soomalidu waxay hore utidhi hunguri wax ka wayn la mariyaa wuu dilaaca waanay usuuragali wayday ganacsadahaas.
Hadaba waqti xadirkan waxa jira in 54 shirkadood oo wadani ah kuna Midoobay Magaca (Berbera Cement Factory)oo Somaliland oo dhan Cidhif ilaa cidhif kawada muuqdaan Deegaamadu ay ku shurakoobeen inay dib udhis ku sameeyaann Warshadii hore ee sibidhka Berbera si looga maarmo malaayiinka doolar ee dalka dibada uga baxda ee sibidhka lagag soo iibsado wadmada Cumaan,Iraan iyo Masar, Arinkan ayaa waxaa ka shaqeeyay odayaal ganacsato ubadan oo reer Saaxil ah iyo rag kaloo ganacsato ah iyadoo bilaha sanadkan ugu horeeyana la rakibi doono warshadii kowaad ee sibidhka soo saarta oo qaab casriya loo agaasimaya sida ay sheegayaan xogaha aanu ka helay shirkadaha ku midoobay Berbera Cement Factory,

Waxaase Nasiib daro ah in maanta oo xaaladi halkaa marayso in Ganacsade Maxamed Awsiciid uu damco inuu kaligii yidhaa Anaa samaysanayay Warshad sibidh oo guranaya khayraadka umada Somaliland oo dhan ka dhexeeya isagoo awood is bidiya Xukumadana ruqsad kasoo qaatay, Sida warar xogogaal ah aanu ku helayna waxaa la sheegay in Ganacsade Maxamed Awsiciid diiday inuu qayb ka noqdo samilayda shirkada Berbera Cement Factory ee ay ku midoobeen ganacsatada Somaliland waxaanu ganafka ku dhuftay sida xogahani sheegayaan Ergo kasta oo ugu baaqday inuu ka qayb ahaado shirkada Berbera Cement Factory,

Warar hoose ayaana tilmaamaya in uu wato shirkad Ajanabi ah oo Talyaaniya oo danaynaysa ka faa,idaysiga sibidhka Berbera wakiilna uu uyahay lakiin uu shuraako kula noqonayo Dhagaxa sibidhka laga sameeyo iyo bugcadii warshadu ka dhismi lahayd sida laajigeedna aanu ubaahnayn inuu cid wax la yeesho uu saami lacag ku bixiyo waana ta keentay inuu ergo Kasta gaashaanka udaruuro.

Iskusoo duuboo marka anuu daraasad iyo rayi ururin ka samaynay Arinka Maxamed Aw siciid uu kaligii wato iyo shirkada Berbera Cement Factory ee ganacsatada Somaliland ku midaysantahay waa kaaf iyo kala dheeri sababtoo ah Berberi ma qadi karto laba warshadood oo sibidha degan ahaan invironmental protection, Waxaase dad badan oo Aqoon uleh ay qabaan in Bugcadii hore uun loo daayo warshada cusub ee sibidhka taas oo ah meel ku haboon oo dhamaan Agabkii loo baahnaa ku xeeran yahay(The Necessary Eqiment) halka uu Hada Maxamed Awsiciid Xaadhxaadhayaana aanay ahayn meel Warshada Laga samayn karo ay tahay Xoolo daaqeen kana fogtahay Buuraha noocyada badan isugu jira ee sibidhka laga Sameeyo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews