berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Madaxwayne Biixi Ku Dhaliilay Maraakiib Sida Shidaal Oo Ay Udiiday Inay Ku Shubaan Haamaha Berbera!
March 8, 2023 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Ganacsiga Warshadaha Iyo Dalxiiska ee xisbiga waddani Xamse Cabdiraxmaan khayre ayaa wasaarada ganacsiga Somaliland ku eedeeyay in ay Diiday markab shidaal jaban sida uu kusoo xidho dekeda berbera kaasi oo ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland islamarkaana wax wayn ka tari lahaa baahida shidaal ee dalka ka jirto iyo qiimaha lagu iibiyo.isagoo arimahaasi ka hadlaya Wuxu Yidhi;

 

“Shidaal jaban oo xukuumaddii  Kulmiye ku hor taagan tahay badda iyadoo u dananaysa shirkado ay qayb ka tahay.

Waxaa badda Berbera taagan laba markab oo sida shidaal u raran ganacsato reer Somaliland kuwaas oo sida shidaal qiimaha aan ka jaban ku suuqa yaal ee ay keento shirkadda aan heshiiiskeeda golaha wakiiladdu JSL ansixin ee TRIFAGURA. Shidaalkan ayaa wasaaradda Ganacsiga u diiday in lagu shubo haamaha keydka ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Sababta loo cuskaday diidmadan ayaa ah in xaddiga maaddada SALFARTA(Sulphur Dioxide or SO2)  ee ku jirtaa ay badan tahay 500 PPM oo heerka xukuumada u dhigtay dalka oo ah mid aan daruuri ahayn  balse ay ugu dananayso shirkado ay iyadu qayb ka tahay. Baadhista shaybaadka shidaalkan oo aan mid ka mid ah aragnay ayaa heerka salfarta ku jirtaa ka yar tahay 1000 PPM.  Labada markab oo mugga shidaalka ay sidaan isku noqonayo 7,800 Mt ayaa waxay kala yihiin.

  1. MT JESSICA (Oil product tanker) oo sita calanka jasiirada Komoros oo lambarka tixraaciisu yahay IMO 9140853 / 620999046

Maraakiibtan ayaa maalin kasta oo ay badda ku sii nagadaan dhiigbax dhaqaale ku ah ganacsatada dalka. Dhanka kale, ummada reer Somaliland ee loo diidan yahay iney helaan shidaal jaban ayaa waxa dhiiga ka jaqay shirkada xukuumadu wadato maalin kasta oo maraakiibta shidaalka jaban sida badda lagu sii hayo.

Faro-gelinta iyo  kootada loo xidho shaqsiyaad iyo shirkado xukuumada iyo madaxtooyada SL ay wadato ayaa keenay dhibaatooyin waawayn oo soo gaadhay ganacsiga xorta ahaa  ee Somaliland

kuwaas oo qaarkood ay keeneen dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxay oo ganacsato shalay shaqo abuurayaal ahaa hada ay yihiin qaar dirays xidhan oo dagaal dhiig badani ku daatay ku jira.

Xisbiga Waddani wuxuu si adag u cambaaraynayaa bahalnimada iyo ma naxaanimada xukuumada hore ee talada haysa. Waxaanu dadka ugu baaqayaa iney ka dhiidhiyaan siyaasadaha cadawnimadu ka muuqato ee xukuumadii ay doorteen caadaystay xili ay ku jiraan sicir-barar, abbaaro, iyo qax baahsan.

Fiiro Gaara:  

⁰Heerka maadadda SALFARTA ee Soomaalilaan qaadi kartaa waa ilaa 5,000 PPM marka la eego taagteeda dhaqaale iyo duruufaha ay maanta ku jirto ee qalafsan. Xukuumada waxaa haboonayd iney caafimaadka dadka xil iska saarto oo dawadda iyo raashinka tayadoodda adkayso intay ay baabuurta mishiinadooda ka warwarayso (dabcan baabuurna uma danaynayso ee cid baa dhaqaale loo samaynayaa)

Allaa Mahad  leh

Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews