berberatoday.com
Shirkadda DP World Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Si Rasmi Ah Ufurey Aagga Ka Caagan Cashuuraha ee Berbera
March 9, 2023 - Written by admin

Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera muhiimadiisu waa in uu abuuro deegaan ku habboon
ganacsiga si Somaliland usoo jiidato maalgashiga, shaqo abuurna loo sameeyo
Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuuraha ka Caagani waxay u yihiin Somaliland xudunta isku- dhafan
ee badda, ganacsiga iyo saadka ee Geeska Afrika


BERBERA, SOMALILAND, 2 MARCH, 2023 – Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland ayaa
maanta daah-furay Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera Economic Zone(BEZ), iyo Dekeda oo ka
dhigaya Berbera in ay noqoto goob ganacsi oo muhiim u ah Geeska Afrika.
Madaxeynaha Somaliland, Mudane Muuse Biihi Cabdi iyo Gudoomiyaha ahna Madaxa fulinta ee
Shirkadda DP World Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa si rasmi u furey wejigii koowaad ee Aagga
ka Caagan Cashuuraha (BEZ), Munaasibadda Furitaanka ayaa waxa kasoo qayb galay marti tiro
badan iyo hay’addo caalami ah oo ay ka mid ahaayen wakiilo ka socday shirkadaha DP World la
wadaaga maalgashiga dekedda iyo Aagga Cashuuraha ka Caagan ee British International Investment
(BII), Hay’adda Horumarinta Maaliyadda ee Ingiriiska ee UK’s Development Finance Institution (DFI)
iyo Impect investor.
Furitaankani waxa uu daba socday daah-furka xarunta cusub ee konteenarada ee Dekedda Berbera
ee bishii Juun 2021. yoolka DP World ee Berbera waa sidii loo samayn lahaa xarun ganacsi, iyada oo
ka faa’iidaysanaysa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku teedsan tahay mid ka mid ah marinnada badda
ee ugu mashquulka badan caalamka, isla markaana ay. u adeegto dhamaan wadamada Geeska Africa
oo ay ku jirto Itoobiya.
Aaga Cashuuraha ka caagani waxa uu 15Km oo keliya u jiraa Dekedda waxaana uu sii racsanyahy
Jidka u dhexeeya Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo isku xidha ilaa Addis Ababa,Itoobiya,
kaas oo u baahan marin-badeedyo badan si uu u buuxiyo shuruudihiisa ganacsi.
Xaruntan midaysan ee badda, saadka iyo ganacsiga ayaa u adeegi doonta Geeska Afrika, oo ah gobol
koraya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.
Waxa uu ku salaysan yahay qaabka midha dhalka ah ee Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Jebel Ali
Free Zone (Jafza) ee DP World ee ku yaala Dubai. Waxa kale oo jiri doona is-kaashi u dhexeeya
labada Aag, iyada oo shirkadaha Dubia ku yaala Berbera iska diwaangelin karaan iyaga oo usii dhex
maraya Xafiisyada Jafza, halka shirkadaha Berbera ku yaala ay awood u yeelanayan adeegyada
xarumaha wax-soo-saarka ee Aaga Cashuuraha ka caagan ee Jafza .
Aagga Cashuuraha ka Caagan waxa loogu talagalay in uu abuuro degaan ku habboon ganacsiga si
loo soo jiito maalgashi iyo shaqo abuurna loo sameeyo dhalinyarada Somaliland. Waxaa ka mid ah
deegaan tartan iyo waxtar leh, oo uu saamaxay xeerka cusub ee Aaagga Cashuuraha ka caagan,
shirkadaha Aagga Cashuuraha ka Caagan, dhiirigelinta maaliyadeed iyo kuwa aan maaliyada ahayn,
oo ay weheliso xafiis adeeg oo loogu talagalay in uu sameeyo diiwaangelinta iyo ruqsadaha ligaaga
bahanyhay , xafiisyo casri ah, bakhaaro alaabta la dhigto, iyo dhulal banaan ood kiraysankarto.
DP World ayaa hore heshiis ula gashay IFFCO oo ah shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka
Carabta si ay u dhisto 300,000 square feet oo lagu farsameenayo Saliida cuntada Aagga Cashuraha
ka Caagan dhexdiisa, waxaana hore isu diiwaangeliyey dhawr iyo toban shirkadood oo kale oo ka
shaqaynaya waxyaalo kala duwan.
Munaasibada oo uu hadal ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi, ayaa
yidhi: “waxa weeye munaasibad kale oo Sharaf iyo Taarikhi u ah Somaliland iyo dadkeedaba marka
laga yimaado furitaanki teerminalka koontaynarada ee Dekedda Berbera, Imikana Aagga Cashuuraha
ka Caagan oo loo furay ganacsiga, waxaanu hore u qaadayna talaabo kale oo muhiim ah oo ah
himiladeenna ku aaddan xaqiijinta in Berbera noqoto marin-ganacsiyeed midaysan oo heer gobol ah,
kaas oo fure u noqon doona koboc dhaqaale, oo lagu gaadhayo kor u kaca isku socodka ganacsiga,
maalgashiga shisheeye, iyo shaqo abuurka”.
Sultan Ahmed bin Sulayem, Gudoommiyaha ahna Madaxa fulinta ee Shirkadda DP World,
ayaa yidhi: “Dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah wuu isbedelayaa, waxaana sii kordhaya baahida
loo qabo kaabayaasha ganacsiga, sida aagagga Cashuuraha ka Caagan, si sahlan oo degdeg ah loogu
helo isku gooshitaanka caalamiga. tani waxay sababaysa in shirkadaha u soo dhawaadan
macaamiishooda, wanaajiyaan saadka waxayna u oggolaanaysaa inay ku fidaan suuqyo cusub. Iskuxidhka Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuurahan ka Caagan ee cusub ayaa tusaale weyn u ah
arrintaas, taas oo Berbera ka dhigaysa – goob-ganacsiyeed heer caalami ah, hadda iyo
mustaqbalkaba”.
Liz Lloyd, Madaxa Shirkada British International Investment ayaa intaa ku dartay, “Aad iyo
aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu qayb ka noqono munaasibadan muhiimka ah ee lagu daah
furayo Aagga Cashuraha ka Caagan ee Berbera, kaas oo Somaliland u noqon doona dhaqaale muhiim
ah, isla markaana kaalmeeya kobaca gobolka Geeska Afrika. Balaadhinta guud ee dekeddu waxa la
filayaa inay kor u qaaddo tayada nolosha iyo baahiyaha nolosha asaasiga in ka badan hal milyan oo
qof oo reer Somaliland ah, kordhinta helitaanka iyo awood-furnaanta badeecadaha iyo inay gacan ka
gaystaan in ka badan 53,000 shaqo oo gudaha ah.”
Qorshaha guud ee Aagga Cashuuraha ka Caagani wuxuu gaadhsiisanyhay in ka badan 1,200 hektar
waxaana la balaadhin doonaa mudo kadib marka baahida loo qabaa korodho. Wajigii kowaad oo imika
furan, waxa ay bixinaysaa dhulal loogu adeego dhismaha xarumaha shirkadda, 10,000 mitir oo laba
jibbaaran oo bakhaaro kayd ah oo hore loo diyaariyey, iyo dhul diyaar u ah, in la dhisto, kayd barxad
furan ah, bakhaar kayd oo la wada isticmaali karo oo ay DP World ku adeegi doonto kaargooyada
macaamiisha iyo sidoo kale meel xafiis oo leh adeegyada IT ga oo gees ilaa ka gees ah.
Dekadda Berbera waa deked ujeedooyin badan leh oo leh kaabayaal heer caalami ah oo ay ka mid
yihiin badeecadaha waaweyn iyo kuwa jabsiga, awood u yeelashada shixnadaha dareeraha ah, iyo
teerminaal casri ah oo konteenarada laga soo dejiyo. Waxay leedahay qoto dheer oo ah 17m, kaal
400m ah iyo sadex wiish oo STS ah, kuwaas oo loo adeegsankaro maraakibta konteenarada ugu
waaweyn ee maanta shaqeeya. Waxa kale oo ay awood u leedahay in ay qabato 500,000 oo
konteenar unit ah TEUs sannadkii. Teerminalka waxa kale oo ku jira barxad konteerada oo casri ah
oo leh sideed wiishashka RTGs, ah iyo xarun xafiisyo adeeg leh.
Dekadda Berbera waa udub dhexaadka dhaqaalaha. balaadhinta awgeed waxaa la filayaa in ay
ganacsiga fududayso ku dhawaad 27 boqolkiiba GDP-ga Somaliland iyo 75 boqolkiiba ganacsiga
gobolka marka la gaadho 2035. Aaga Cashuuraha ka Caagani waxa uu fududayn doonaa ganacsiga
Somaliland iyo waliba guud ahaan Geeska Afrika. Tani waxay faa’iido u tahay dhinacyo kala duwan
oo ay ka mid yihiin dhoofiyayaasha, soo ,dejiye-yaasha xoolaha, qalabka beeraha iyo waxyaalaha
hore u xumaanaya, ,marmarka, iyo qalabka dhismaha.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews