Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socday Dalka Norway!
March 17, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa kulan la qaatay Ergiga gaarka ah ee Dawladda Norway, (MFA Special Envoy) Ambassador Heidi Elburgi iyo Safiirka Kuxigeenka Dawladda Norway ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Haakon Svane.
