berberatoday.com
Waa Kuma General Faysal Cabdi Bootaan Guuleed.W/Q Cabdi Yasin Yool
March 22, 2023 - Written by admin
Magaciisa saxda ah waa Haybe Cabdi Bootaan Guuleed magaca Faysal waa naanays waxaa loogu magac daray Boqor Faysal Cabdicasiis ,oo Boqortooyada Sucuudiga xukumayey Intii udhaxaysay 1964 ilaa 1975 isagoo la khaarajiyey,magaca Faysal Luuqada Carabiga macnihiisu waa seef wax kala jarta.
General Faysal Cabdi Bootaan dabayaaqadii 1960-kii ayuu ku dhashay Gobolka Togdheer ,sanadkii 1980 markuu dhameeyey Dugsiga oo uu Muqdisho ka dhigan jiray wuxuu ku biiray Ardaydii shaqo Qaran .
Markuu dhameeyey shaqo Qaran wuxuu arkay Cadaalad daradii Dawladii kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, 1982 wuxuu ku biiray Jabhadii SSDF isagoo kamid noqday illaalada gaarka ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed,oo ahaa Gudoomiyaha Jabhada SSDF Ragga ay aadka Saaxibka u ahaayeen waxaa kamida Cismaan Diyaano ,oo ah aabaha dhallay Asad Diyaano.oo ay Jabhada kawada tirsanaayeen.
Isagoo ka tirsan Jabhadii SSDF ayaa Itoobiya waxaa ka billaamay Jabhadii SNM ,wuxuu SNM la bilaabay 4 sarkaal ee ugu horeeyey oo uu maanta ka noolyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ,waxaanu ku biiray Guutadii 4-aad ee uu hogaamin jiray Mujaahidkii weynaa Shahiid Maxamed Cali AHN wuxuu Soo maray Guutadii Sayid Cali oo ahayd Guuto SNM dhexdeeda caan ka ahayd.
Markii Jabhadii SNM qabsatay Somaliland sanadkii 1991 waxa uu kamid ahaa dadkii lagu Aas-aasay Ciidanka Qaranka Somaliland waqti dheer wuxuu ahaa Taliyaha Ciidanka koofiyad casta ee Burco,oo dadka reer Burco aad ugu biqi jireen markay maqlaan Guutada Faysal Cabdi Bootaan.
Xilligii Dawladii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ,waxay General Faysal Cabdi Bootaan udirtay inuu dalka Itoobiya ku soo qaato hogaaminta dagaalka iyo barashada Taariikhda iyo saqaafada.
Waqtigii Dawlada Madaxweyne Siilaanyo bilowday in darajo la siiyo Ciidamada Somaliland Taliye Faysal Cabdi Bootaan waxaa laga dhigay Captain iyadoo dad badan xilligaa u arkayeen ,inuu yahay Geesi la dulmay.
2012 ilaa 2013 General Faysal Cabdi Bootaan wuxuu xoog ku dajiyey Kacdoonkii Maamulka Khaatumo ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh.
Dadka yaqaana General Bootaan waxay ku sheegeen nin ku wacan hogaaminta dagaalka,oo ka hogaamiya Furimaha hore aqoon baqdin noloshiisa inta badana ku qaatay Goobaha dagaalada waana Saraakiisha Ciidamada Somaliland aadka ugu kalsoon yihiin noqoto hogaaminta dagaalka waana waxa loo yaqaano (field commander).
Waqti xaadirkan waa Taliyaha Qeybt-12 ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo wacdaro ciidankiisu ka dhigeen dagaalka ka socda Bariga Gobolka Sool waxaanu fadhiya Aaga Maraaga ilaa Buundada booda ee Bariga Laascaanood,oo ku beegaan dhinaca Puntland iyo Maleeshiyaadka huwanta .
General Faysal Cabdi Bootaan Guuleed waa Khaalid Benu Waliidka Jamhuuriyada Somaliland,waligii furin dagaal laguma jabin inuu isagu Ciidan jabiyo mooyane.
Waxa qoray Cabdi Yasin Yool
May be an image of 2 people and text
Waxa Qoray Cabdi Yasin Yool

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews