berberatoday.com
Garaad Jaamac oo Ka Hadlay Madax-dhaqameed Soomaaliya Ka Yimi oo Laascaanood…
March 28, 2023 - Written by admin

 Laascaanood(Berberatoday.com)-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa ka hadlay Madax-dhaqameed Soomaaliyeed oo Muqdisho ka yimi oo maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo uu sheegay inay u socdaan sidii loo joojin lahaa dhiigga ku daadanaya Laascaanood oo dagaal ka socdo tan iyo lixda bishii Febraayo ee sannadkan 2023-ka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa kale oo uu ka hadlay weerar Millateriga Somaliland sheegeen inay ku qaadi doonaan Xoogagga Huwanta ah ee dagaalka ka wada Laascaanood oo ay markii hore sheegeen inaanay weerari jirin ee ay iska difaaci jireen weerarradooda.

Garaad Ismaaciil, ayaa ka jawaabay qorshaha uu millaterigu ku sheegay in ay kula dagallamayaan Ciidammada aan reer Sool ahayn, wuxuuna ku dooday in cid aan reer Sool ahayni joogin gobolka.

“Waxan reer Sool ahayn anagu ma aragno, dadka joogaa waa dadkii deegaanka u dhashay, haday weerar soo qaadayaan awalba way soo qaadi jireen wax u dhimana ma jiraan.” ayuu yidhi Garaad Ismaaciil.

Millateriga Somaliland, ayaa shalay ku dhawaaqay in ay weerar qorshaysan ku qaadi doonaan xoogaga kula dagaalamaya Laascaanood, gaar ahaan ciidamo beeleedyada ka yimid deegaanada Puntland.

Kadib go’aanka uu Millateriga soo saaray shalay maanta wax dagaal ahi ma dhicin, iyadoo ay magaalada Laascaanood soo gaadheen madaxdhaqameed ka soo kicitimay magaalada Muqdisho oo sheegay in ay gacan ka gaysanayaan daminta colaadda. 

Garaad Jaamac waxa uu sheegay inay wadahadlayaan caawa ahaan Madaxda Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi oo uu xusay inay ka duwan yihiin Madaxda Dhaqanka ee Somaliland oo ay hore u diideen Garaaddadu, kuwaas oo uu sheegay inay Xukuumadda Somaliland soo dirtay, balse kuwan Muqdisho ka yimi ay yihiin Madax-dhaqan oo is xilqaamay, si xal loogu helo colaadda Laascaanood.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews