berberatoday.com
DP World oo Kusoo Kordhinaysa Dekedda Berbera Xarun Cusub oo Lagu Keydin Doono Saliida Cuntada
March 29, 2023 - Written by admin

DP World oo kusoo kordhinaysa Dekedda Berbera xarun cusub oo saliida cuntada ah

 

  • Xaruntan cusubi waxay noqonaysa mid wax ka bedesha Geeska Afrika, iyadoo yareynaysa kharashaadka saadka ee badeecada muhiimka ah sidoo kale waxay abuuri doontaa shaqooyin wadanka gudihisa
  • Wajiga hore ee xarunta ayaa si mudo dheer ah looga kireeyey ganacsi weyn

 

Dubai, UAE, March, XX 2023: Shirkadda DP World oo ka bilowday Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland dhisida xarun cusub oo saliida cuntada ah taas oo hoos u dhigi doonta qiimaha silsiladda sahayda abuuri doontana shaqooyin wadanka gudihisa ah, waxa la isku waafaqay heshiis kiro oo mudo dheer ah.

 

Xaruntan saliida cuntada ayaa ah waxii ugu danbeeyey ee lagu soo daray habkan ganacsiga isku xidhiidhsan ee koraya ee Berbera, waxaana ka horeeyey Aagga cashuuraha ka Caagan ee Berbera (Berbera Economic zone) oo dhawaan la furay. Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera waxa uu 15 KM u jiraa Dekedda waxuuna ku xidhanyahay Waddada Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ee isku xidha Berbera ilaa Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Qorshayaasha DP World ee Berbera oo ku taala marin ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan dunida ay ugu badalayso xarun iskugu jirta ganacsiyada la xidhiidha badda, saadka iyo xarun ganacsi oo u adeegta Geeska Afrika, oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

 

Xarunta saliida cuntada waxay wajiga koowaad lahaan doontaa cabir ah 18,000 oo tan, waxaana la balaadhin doonaa marka baahidu korodho. Waxa ay awood u yeelan doontaa in ay u adeegto maraakiibta qotodooda biyuhu ay gaadhayso ilaa 16 mitir, taas oo u ogolaanaysa Dekedda Berbera in ay markii ugu horeysay ka soo degto Saliid cunto oo aan baakadaysnen.  Soo dejinta saliid aan baakadaysnayn laguna baakadeeyo wadanka gudihiisa waxay u suurta galinaysa in saliida cuntadu noqoto mid jaban oo dadka gobolka ku nooli awoodan iyo inay abuurto shaqooyin wadanka gudihiisa ah

 

Wejiga kowaad ee xarunta waxa si dhamaystiran looga kireeyay si ku salaysan mudo dheer shirkad la idhaah Mzahim Investment LLC, oo hoos timaada Maalgelinta Essa Al Ghurair ee Isutaga Imaaraadka Carabta. Mzahim Investments waxa kale oo ay Berbera ka hirgelin doonaa warshad maxalli ah oo baakadaha soo saarta, si ay ugu adeegto macaamiisha ay ku leedahay Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika, taas oo la filayo in laga shaqaaleysiiyo ilaa 100 qof.

 

Essa Abdulla Al Ghurair, Guddoomiyaha Essa Al Ghurair Investments (EGI), ayaa yidhi“Annaga oo ah ganacsi qoys oo ka aasaasan Imaaraadka, waxaanu gobolka la ganacsanaynay muddo ku dhow 40 sano. In aan xarun ku yeelano Berbera waxay sii wadi doontaa xoojinta xidhiidhka ganacsi ee aanu la leenahay gobolka. Joogitaanka shirkadda DP World ayaa kaalin baaxad leh ka qaadatay inay ku dhiirigaliyaan ganacsiyada sidayada oo kale ah maalgashiga gobolka. Saliida cuntada ee Berbera waxa ay noo ogolaanaysaa in aan wax soo saarno dalka gudihiisa, anaga oo hubinayna in badeecadaha daruuriga ah sida saliidda cuntada ay jaban yihiin oo ay noqoto mid ay awood u heli karaan dadka deegaanku. Anagoo adeegsanayna wax soo saarka, waxaanu kaalin ka qaadan karnaa abuurista shaqo iyo kobcinta kartida, gaar ahaan kuwa dadka xirfada leh iyo kuwa xirfadaha dhexdhexadka ah ku shaqaysta.

 

Suhail Albanna, oo ah Agaasimaha guud iyo madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa yidhi“Samaynta xarunta saliida cuntadu waa mid wax weyn ka bedeli doonta gobolka, waana tusaale kale oo ina tusaya sida aanu u yaraynayno kharashka ku baxa ganacsiga anagoo u raadinayna xalal daboolaya baahiyaha macaamiisheena, isla markaana saamayn togan ku leh bulshada deegaanka haday tahay xaga shaqo abuurka iyo xaga in ay si fudud u helaan alaabaha. Waxaana qayb ka ah dekedda Berbera iyo Aaga Cashuuraha ka caagan,

xaruntani waa nooca kaabayaasha isku dhafan ee Dekedda kuwaas oo soo jiitay maalgashadayaasha caalamiga ah ee ka mid yahay EGI oo doonaya inay u dhawaadaan macaamiishooda.”

 

DP World Berbera Taariikhda
Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadda DP World siisay qandaraas Dekeda Berbera oo ah teerminaal cusub oo konteerada. September 2016
Ku Wareejintii Dekedda DP World March 2017
Bilaabisti Dhismaha Teerminalka Cusub ee Koonteenarada ee Dekedda Berbera October 2018
Keenidii wiishashkii ugu horeeyey ee dekeda Berbera March 2021
Teerminalki cusub ee konteenarada ayaa bilaabay shaqada. June 2021
Shirkada DP World ayaa daah furtay wejigii kowaad ee Aaga Cashuuraha ka Caagan (BEZ). March 2023
Shirkadda DP World ayaa bilawday dhismaha xarun cusub oo saliida cuntada oo dekedda Berbera ah. March 2023

 

 

-DHAMMAAD-

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews