berberatoday.com
Shir Aan Cidi Umaqnayn Ayey Xalay Isugu Yimaadeen Madaxda Iyo Odayaasha Maleesiyada Reer Laas-caanood Iyo Qodobo Ay Kasoo Saareen
March 30, 2023 - Written by admin
Shir lagu xisaabtamayo oo la is waydiinayo waxa Dagaalka laga macaashay ayaa caawa ka qabsoomay gudaha Laas-caanood.
Waxaa la sheegay tirada diiwaan gashan ee dhimasho & dhawac ee soo gaadhay guud ahaan Dadkii dagaalamayey intii Dagaalku socday taas oo lagu sheegay dhimasho ku dhawaad 900 oo qof halka dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad 2,000 oo qof.
Dad badan oo ayaa soo ban dhigay su,aalo aad muhiim u ah oo xaqiiqda ku fadhiya.
Waxaa Rag badani ay ku doodeen in dhaqaale ahaan loo burburay Magaaladii deegaanka ugu waynayd oo Laas-caanood ahina ay xidhantay oo hada Dadkeedii ay qaxoonti & dulsaar ku yihiin meelo kale.
Waxaa la isla gartay in dhimashadaa & dhawaac horumar Dagaalka lagu gaadhay & xitaa Rejo muuqata in Dagaalka lagu guulaysan karaa aanay jirin oo hadii Dagaalku sii socdo intaa dhimatay & in kale oo ku labanlaabantaa ay dhiman doonto.
Waxaa kale oo la isla qirtay si kasta oo la isu diidsiiyo in hadana Dawladii Somalia, Ethiopia & cid kastaaba ay taagantahay in Laas-caanood ay Somaliland ka mid tahay.
Dood dheer ka dib waxa la isla gartay arimahan.
1) Maadaama Dunidii taagan tahay Laas-caanood waa Somaliland ka fursan mayso in aynu inta danbe ee nool u talino.
2) Maadaama Awood Milatari & mid dhaqaale oo aynu wax ku muquunin karnaa aanay hada inoo muuqan waa inaynu wada hadal la furnaa Somaliland
Markii ay la kala baydhi waayeen in wada hadal dantooda yahay ayaa hadana la is waydiiyey maxaynu Somaliland ka dalbanaa ee ugu muhiimsan?
Cabdirisaaq Khaliif oo meesha fadhiyey iskana dhigayey Siyaasi khatar ah oo bahasha Siyaasada ah ku wadh-wadhay ayaa yidhi “Shuruudeenu waa Muuse oo Somaliland ka taga & inaga oo Somaliland gudaheeda Siyaasiyan uga dhex dagaalana oo halkaa bahasha ka dumina.
Taladoodii caawa waxay ku soo ururtay midhkaa Cabdirisaaq yidhi taas oo noqonaysa in wali dhalanteed & sheeko Caruureed la isugu sheekaynayo hadana runtii & Mustaqabalka dagaalka oo guuldaro ku soo dhamaan doonaa ay u muuqato.
Dhinaca kale Axmed Karaash oo dhinaca Telka kaga jiray talada ayaa isaguna taagan Kursigayga ayaan cid kasta uga tanaasulayaa si aynu Puntland ugu midawno oo isaguna olole Puntland ah dhinaca kale ka wata.
Cabdirisaaq Khaliif oo hunguri Kursiga Axmed Karaash ahi galay ayaa sida la filayo laga yaabaa inuu talo ugu tegi doono Axmed Karaash & Garoowe oo ay maanta ahaanba ahayd inuu tago oo laga sugaayey
La soco Safarka Cabdirisaaq & wixii halkaa ka soo kordha

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews