berberatoday.com
Waa Kuma General Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi Diiriye Warsame (Gamgam Waxa Qoray Cabdi Yaasin Yool
March 30, 2023 - Written by admin
Waa Kuma General Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi Diiriye Warsame (Gamgam) ,oo ah Maskaxdii ka danbaysay Qorshaha Somaliland ku dagtay Saldhiga Goojacade iyo ka bixistii Saldhiga Tukaraq.
General Cabdisamad Xaaji Cabdilaahi Diiriye Warsame (Gamgam),waa taliye sare oo Ciidan kana tirsan Mallatariga Somaliland ,darajada Ciidankana ka gaadhay General ama Sareeye Guuto.
General Cabdisamad Gamgam wuxuu dhashay sanadkii 1945 isagoo ku dhashay Degmada Shiikh ,dugsiyada hoose dhexe wuxuu ku qaatay Hargaysa iyo Shiikh,1962 illaa 1966 wuxuu dhiganayey Dugsiga sare ee Camuud.
Dugsiga sare markuu dhameeyey wuxuu ku biiray kulliyada dagaalka ee Masar
(الكلية الحربية مصر )
Oo uu ku jiray sanadihii udhaxeeyey 1966 illaa 1968 dagaalkii lixda casho ee 1967 dhex-maray dalalka Carabta iyo Isreal ,ayuu ka qayb gallay General Gamgam isagoo difaacayey Airport-ka Qaahira ,1969 wuxuu ka qayb gallay Af-gambigii Ciidanka Soomaliya kula wareeegeen tallada dalka isagoo qabtay Magaallada Baydhaba ,1973 ilaa 1974 wuxuu qaatay Koorso ku saabsan Chief of Staff .
1975 illaa 1977 wuxuu dhiganayey Academy-yada Frunza ee dalka Ruushka,dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaliya ayuu ka qayb gallay isagoo ahaa Gaashanle isagoo ka dagaaalamay Aaga Diridhaba wuxuu Ku-xigeen u ahaa General Maxamed Nuur Galaal.
1983 wuxuu tababar ku qaatay Staff College General Cabdisamad Gamgam ,wuxuu Deegaanka Mustaxiil ee Itoobiya kaga biiray Halgankii SNM wax yar kadib dilkii Mujaahid Cabdiqaadir Koosar AHN,1988 ilaa 1991 wuxuu Guddoomiyayaashii SNM Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Tuur u ahaa(Millatary Advisor),la Taliye Mallatari xilkaas oo uu iska casillay 1991.
1991 wuxuu noqday Taliyaha Saldhiga Ciidanka 17-aad ee Ciidanka ee Barbera ,
1993 ilaa 1993 wuxuu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal),u ahaa la Taliye Mallatari General Cabdisamad ,wuxuu Madaxweyne Cigaal ku karbaashi jiray Kornayl Ibraahim Dhagawe oo siweyn Dawlada Cigaal uga soo horjeeday , Mujaahid Dhagaweyne iyo General Gamgam,waa Isku deegaan.
General Cabdisamad Gamgam 2003 ilaa 2004 wuxuu noqday Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland, 2004 ilaa 2010 wuxuu noqday la Taliyaha Ciidanka Ee Madaxweyne Daahir Rayaale ,2010 illaa 2017 wuxuu ahaa la Taliyaha Ciidanka Ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Xilligan la joogo waa la Taliyaha Ciidanka Ee Madaxweyne Muuse Biixi, 1994 General Cabdisamad Gamgam iyo General Xasan Cali Abokor waxay Aas-aaska udhigeen Ciidanka Qaranka ee Somaliland.
General Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi Diiriye takhasuskiisu wuxuu aad ugu dheereeyaa( Strategy Planing)Qorshaynta Istaraatajiyada iyo (Topographic),oo ah oogada dhulka iyo qaybaheeda Strategy-yada, qorshaha Somaliland ku qabsatay Laascaanood ee 2007 waxaa lahaa General Cabdisamad, markii Laascaanood gashay Gacanta Somaliland waxay ubaahatay talis Guud General Cabdisamad Gamgam iyo Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) , AHN oo udhashay Beesha Muuse Cabdalle, ayaa lahaa Qorshaha Somaliland ku dagtay Saldhiga Goojacade,waxaanu isagu Sigaara Ciidanka Qaranka udajiyey Saldhiga Tukaraq sababo Strategy-ah.
Horaantii sanadkan markuu qarxay Dagaalka Bariga Gobolka Sool , General Cabdisamad wuxuu ku taliyey in Somaliland kasoo baxdo Saldhiga Tukaraq,oo difaaca ka gasho Saldhiga Ciidanka ee Goojacade siduu ubilaamay dagaalka Laascaanood wuxuu fadhiistaa Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Hargaysa isagoo,halkaa kala socda hawlgalada Ciidanka. waxaa looga danbeeyaa taatikooyinka dagaalada.
General Cabdisamad Gamgam wuxuu lamid yahay , General Sacad Shaadili ,oo udhashay dalka Masar lahaana shaxdii dagaalka ee 1973 ee dhex-maray Masar iyo Isreal.
Waxa Qoray Cabdi Yaasin Yool

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews