Sababaha Keenay Inuu Fashilmo Kacdoonkii Laascaanood.Waxa Qoray Cabdi Yaasin Yool
April 4, 2023 - Written by admin
Sababaha keenay inuu Fashilmo Kacdoonkii Laascaanood.
27 December 2022 Laascaanood waxaa ka dhacay Kacdoon rasmiya oo dhaliinyaro hogaaminayeen kuwaas oo huwanaa magaca Jamaahiirta, laakiin malahayn khibrad Kacdoon lagu hogaamiyo.
May jirin Hogaamiyayaal leh khibrad iyo Saqaafad oo Hogaaminayey Kacdoonka Laascaanood,Hogaamiyaha dhabta ee Kacdoonku wuxuu ahaa Fahiima Yuusuf Quuje oo lahayn khibrad iyo arragti Kacdoon lagu hogaamin karo .
Kacdoonka Laascaanood maalmihii ugu horeeyey Somaliland waxay ku tijaabisay inay xoog ku bakhtiiso laakiin xalku wuu ka sii daray ,oo dadkii mudaharaadayey ayaa hubka qaatay taas oo isu rogtay dagaal lagu hoobto oo iyaga iyo Somaliland dhex-mara.
Khaladka ugu weyn wuxuu ahaa in Badhtamaha Laascaanood kasoo muuqdo Cabdi Madoobe,oo lagu tuhmayey inuu yahay Xag-jir. Somaliland waxay Caalamka tustay in Laascaanood ka dagaalamayaan Kooxo Xag-jira oo ay hogaaminayaan Jaamac Kuutiye iyo Iyo Cabdi Madoobe, taas oo halis Amni ku ah Gobolka Geeska Africa.
Bilowga Kacdoonka Laascaanood kama muuqanin Mabda’a iyo Arragti dheer ,hadafkooda ugu weyn wuxuu ahaa Somaliland ha baxdo,dadka uma Soo bandhigin waxay kaga fiican yihiin Somaliland hadii meesha ka baxdo.
Ma jirto ilaa hada isku xidhnaan ka muuqata kooxaha ka dagaalamaya Guddaha Laascaanood waxay udagaalamaan qaab fowdo oo jufooyin ah ,mana laha Talis dhexe
(Central Command), waana ta keentay inay ka adkaan kari waayaan Ciidan ah nidaami (Regular Army).
Kacdoonkanka Laascaanood waxaa hogaamiya Garaadado ah Madax-dhaqmeed , Kacdoonada waxaa hogaamiya oo qorsheeya dad ah Siyaasiyiin.
Garaadada Hogaamiya kooxaha ka dagaalamaya Laascaanood waxay dhayalsadeen oo aqoonba ka haysan Awooda Ciidanka Somaliland,waxay u haysteen inay jabtay maalintii Ciidankeeda kala baxday Tukaraq ee difaaca ka xidhatay Gooja-cade.
Waxaan shakhi ahaan goob joog ka ahaa Kacdoonkii Masar ee 2011 Kacdoonku markay dhacaan waxaa bilaama loolan iyo kala Arragti duwanaan udhaxaysa dadkii Kacdoonka dhaliyey waana sababta ay ubaxday maahmaah ah (الثورات تأكل أبناءها), Kacdoonadu waxay cunaan Caruurtooda.
Saadashayda Somaliland waxay bilaabaysaa waxa la yidhaahdo (الثورة المضادة), Kacdoon markuu meel ka dhaco waxaa isna bilaamay Kacdoon kale oo lagu fashilanayo Kacdoonkii hore waxaa dhawaan Gobolka Sool loo magacaabi doonaa Gudoomiyaha Degmada Xudun , isagoo noqon doona Badhasaabka cusub ee Gobolka Sool
Waxa Qoray Cabdi Yaasin Yool