Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Shaaciyay Socdaal Uu Ku Tagayo Somaliya!
April 8, 2023 - Written by admin
New York(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu booqasho ku tegi doono Soomaaliya inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramdaan.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ayaa xusay in socdaalkan ujeedddadiisu ay tahay sidii garab istaag loogu muujin lahaa dadka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in ay muddo dheer la deris yihiin abaaro iyo colaado isu barkaday.