berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi oo Baaq Udiray Garaadada Gobolka Sool Sheegayna Inaan Marnaba Suurgal Ahayn In Xuduud Cusub La Sameeyo”Daawo Muuqaal
April 21, 2023 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo xusay inuu mar kastaba nabad ku baaqayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Innagu haddii aynnu reer Somaliland nahay colaadda Laascaanood bilowgeedii illaa maanta nabad uun baynu u haynaa, maantana waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu colaaddaa inaga demiyo, dadka kale ee colaaddaas wadana waxan leeyahay colaad walba nabad baa ka dambaysa, caqliga saliimka ahina waxa uu ku jiraa in colaadda la qabto intaanu khasaaraheedu weynaan.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay marnaba suurogal ahayn in xuduud cusub oo qabyaaladeed la sameeyo, lana baabi’iyo xuduudda caalamiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee la wada yaqaanno, isaga oo muujiyey inay ka madaxweyne ahaan markastaba ka go’an tahay in colaadda Laascaanood lagu dhammeeyo nabadgelyo,“waa markii Toddobaad ama Siddeedaad ee aan ku baaqo nabad, dadkaa colaaddaas shidayana waxan leeyahay faraha kala baxa Somaliland nabadeedda way samaysan kartaaye, midina suurtogal ah oo shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyey ee Afrika lamidka ahaa baa xadkii Somaliland la beddelayaa oo nin Kiiniya jooga, mid Itoobiya Jooga, mid Soomaaliya jooga iyo mid Somaliland joogaa beddelayaa oo soo saaraya xad qabali ah oo cusubi ma suurtogelayso,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews