Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Cafis Ufidiyay Maxaabiista Dambiyada Fudud Uxidhan ee Xabsiyada Dalka Kujira
April 23, 2023 - Written by admin
CAFIS MADAXWEYNE: 23/04/2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu JSL/XM/WM/222-1009/042023, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Fidrida awgeed kuwaas oo ay tiradoodu dhan tahay 554 (Shan Boqol iyo Afar iyo Konton) maxbuus.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/119/2023, kuna taariikhaysan 13/04/2023, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2023-ka;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/179/2023, kuna taariikhaysan 13/04/2023;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo munaasibadda Ciiddul Fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee Xabsiyada Dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 554 (Shan Boqol iyo Afar iyo Konton) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland