berberatoday.com
“Raali Gelinta Cadowga Kusoo Duulay Jam. Somaliland, Laguma Hanan Karo Kursiga Ugu Sareeya Dalka”Siyaasi Xuseen Dayr.
April 30, 2023 - Written by admin
RAALI GELINTA CADOWGA KU SOO DUULAY JAM. SOMALILAND LAGUMA HANAN KARO KURSIGA UGU SAREEYA DALKA.
Muran kama taagna in Jam. Somaliland lagu soo qaaday duullaan abaabulan oo ah mid Qabiil iyo mid argagaxiso oo is huwan kaasoo la doonayo in gebi ahaanba lagu burburinayo jiritaanka Jam. Somaliland.
Jiritaanka Jam. Somaliland waxa saldhig u ah heshiis bulsho oo dhex maray dhammaan beelaha dega Somaliland. Arrimaha ay sida wadajirka ah ugu heshiiyeena waxa ka mid ah:
(1) In dib loola soo noqdo Qarannimadoodii ay il duufeen 1960-kii;
(2) In la dhiso Qaran madaxbanaan oo ay leeyihiin muwaadiniinta Somaliland kaasoo ay xuduudihiisu yihiin kuwii 26/6/1960 Qarankaasi oo leh Dastuur, Calan, Ciidan, Cumlad (lacag), Haya’daha Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka;
(3) In Qaranka JSL si wadajir ah loo difaaco marka uu cadow ku soo duulo.
Haddaba, dagaalka ka socda Laascaanood ma aha mid beel gaar ah lagu soo qaaday, laakiin waa weerar toos ah oo lagu soo qaaday dhammaan beelaha Somaliland wada dega, kaasoo ay dhibanaha koowaad ka yihiin bulshada reer Laascaanood.
Nasiib darro waxa jira rag waaweyn oo leh Salaadiin, Culimo, Haldoorka iyo wax-garadka bulshada oo maalin walba la soo taagan hadaanu nahay reer hebel, kuma jirno dagaalka Laascaanood!! Raggaa iyaga ah waxaan leeyahay: “ilaa uu cadowga Somaliland noqdo cadowgiina, ilaa ay idin dhibaan wax kasta oo Somaliland dhiba, ilaa aad dareenka, danta iyo dubaaqaba kala mid noqonaysaa ummadda Somaliland, marnaba ha filina in aad heshaan kalsoonida Shacabka Somaliland oo ah kuwa iyagu codkooda midna kursiga ku saara midna kaga qaada!!”
Dadka iyagu mar walba Warbaahinta la soo taagan “anagoo reer hebel ah kuma jirno colaadda Laascaanood!!”, ha ogaadaan raali gelinta ninka Laascaanood kaga dagaalamaya caadifad qabiil (Daarood) ee ka soo duulay Kismaayo, Gaalkacyo, Caabudwaaq, Goday iwm, in aan lagu hanan karin kursiga ugu sareeya hoggaanka dalka.
Cidda kursiga Madaxweynaha hamuumta u qabta, xaaladahan oo kale waa kuwii si cad uga badheedhi lahaa difaaca Qadiyadda Qarannimada JSL isla markaana garan lahaa cidda cadowga ku ah ee duulaanka ku soo qaaday dadka iyo dalka ay hadhow doonayaan in ay xukumaan.
Ninka kursiga hiigsanaya waxa marka koowaad raali gelin, taageero iyo muujin dareen waddanninimo uga baahan ummadda Somaliland oo ah kuwa uu codkooda ku xidhan yahay guusha iyo guuldarrada kursigu.
MIDAYNTA UMMADDA SOMALILAND:
Midnimadu waa awood iyo cudud shacab oo ay ummadi kaga guulaysan karto cid kasta oo cadow ku ah. Sida ay taariikhdu qirayso Yuhuun, Cudud iyo Dareen midaysan ayay ummadda Somaliland kaga guulaysteen cadow kasta oo awood is bida oo halis ku ah jiritaankooda. Xaaladaha haatan ka taagan dalkeenu waxay u baahan yihiin in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto.
Midaynta iyo meel u wada jeedinta bulshada waxa masuuliyadeeda koowaad leh Xukuumadda. Waxa loo baahan yahay in ay Xukuumaddu si mug leh uga hawl gasho sidii loo midayn lahaa ummadda Somaliland, iyadoo kaashanaysa oo si dhaw ula shaqaynaysa Xisbiyada Siyaasadda, Ganacsatada, Madax Dhaqameedka, Culimada, cududa Dhallinyarada iyo Haweenka dalka.
GABAGABADII:
Raali gelinta iyo garab siinta (qawl iyo ficilba) cadawga noocyada badan leh ee isu soo baahaystay burburinta Qaranka Jam. Somaliland, ogsoonow hab-dhaqanka noocan ahi marnaba ma suurto gelin karo in cod iyo cudud midna lagaga kiciyo kursiga uu haatan ku fadhiyo Madaxweyne Muse Biixi!!
Guntii iyo gabagabadii; Waqtiga adag iyo xaaladahan oo kale ayaa kala saara cida ay shacabka Somaliland aamini karaan ee u qalanta hoggaaminta Qaranka JSL.
HA NOOLAATO JAM. SOMALILAND
Waxa Qoray:- Wasiir Hore Hussein Deyr

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews