berberatoday.com
Marwo Aamina Cilmi Fariid oo Loo Dhaariyay Xilka Xildhibaano ee Golaha Wakiilada Somaliland Ay Buuxin Doonto Kursi Marxuum Ka Geeriyooday
May 2, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2023-ka, dhaariyay marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL.
Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay AHN marxuum xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Warsame, oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Awdal.
Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 30-kii bishii afraad codsi ay ku dalbanayaan, in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo.
Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaannada in ay qaranka ugu adeegto si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL
May be an image of 2 people, dais and text

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews