berberatoday.com
“Xukuumada Ayaanu Mucaarad Ku Nahaye Horumarka Iyo Qarannimada Mucaarad Kuma Nihin”Waxa Qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan
May 7, 2023 - Written by admin
Xukuumadda ayaanu mucaarad ku nahay e, horumarka iyo qarannimada mucaarad kuma nihin. Waxa qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan
Waxaan ku faraxsanahay in ceelka shidaalka ee Xoodeed soo gaadhay wakhti la hadal hayo in qodis la bilaabo, igumana cusba oo muddo dheer oo ku siman ilaa xilligii aan xukumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka midka ahaa way socotay hawshaasi. Aniga iyo Xisbigayguba waannu taageersannahay in dalka shidaal loo soo saaro, cid kasta oo caqabad ku waddana ka aqbali maynno.
In dalkani horumar gaadho oo dadkiisu fakhriga ka baxaana waa himiliadii siyaasaddaba ii geysay, waa wixii dalku naga sugayay, waa wixii dadkaygu u aayi lahaa. Xukuumadda ayaannu mucaarad ku nahay ee horumarka iyo qaranimada mucaarad ku nihin! Dawlad iyo shicibba waxaan leeyahay: waar shidaalku waa hawl badanyahay oo in dhib iyo carqalad ugu filan in Somaliland shidaal laga soo saaraa waa ina sugaysaa, oo haddii ay tahay gobolka iyo hadii ay tahay dunidaba in badan ayaan raalli ka ahayn in khayraadkeenna la soo saaro, shidaalkuna wakhti dheer ayuu qaataa, weli ma dhawa ee waa haasaasihii ugu horreeyay yaynaan iskaga qaylin. Yaynaan belo u yeedhan, waxay Soomaalidii miyigu ku maahmaahi jirtay “Barawaxinta badani bahalo soo raac bay leedahay” oo looga jeeday: haddii reerku degganyahay kayn cidlo ah oo uu Yuur Yuur Yuurta badiyo bahalaha ayaa soo raaca.
Qolada xukuumadda waxaan leeyahay: shicibku dhib ma wado e bal farsama-xumadiinnu yaanay ceelka galaafan, mudanka, odayada deegaanka iyo xildhibaannaduba xaq bay u leeyihiin in wax laga waydiiyo iyo in lala socodsiiyo waxa socda ama meesha wax marayaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews