Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Golihiisa Xukumada Ku Sameeyay Magacaabis Iyo Xil Ka Qaadis.
May 11, 2023 - Written by admin
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Golihiisa Xukumada Ku Sameeyay Magacaabis Iyo Xil Ka Qaadis.
WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE
Taariikh: 11 /05/2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1013/052023, JSL/XM/WM/222-1014/052023, JSL/XM/WM/222-1015/052023 iyo JSL/XM/WM/222-1016/052023 uu xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Guddoomiyihii Gobolka Gabiley
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay HaNnan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
1. In Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In aan Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye u beddelo in ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Cabdikariim Siciid Aw Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.