berberatoday.com
Berbera: “Igusoo mar Maqaaxidii Barraadka.” Iyaa? oo halkee ayay ku taallaa?” Dr Jama Musse Jama
May 15, 2023 - Written by admin

40 sannadood ku dhowaad baan caawa shaah u doontey Maqaaxidii Barraadka. Wax badani ismay beddelin. Waxaan waydiistey “cunto maxaa taallaa?”, kuye “Sarreen macasaro iyo caano geel lagu daray.” “Adeero ii soo raaci koob shaahana.”

Kursigaan ku fadhiistey dhinaca bariga ayuu eegayaa, garabkayga midigna Wadhacdii baa ka muuqata. Waxba ismay beddelin. Dhinaca baddana waxa soo xidhaya sakaddii farmasiiga Cabdi Guuleed, ee ka sokeeyey fooqa hablaha carabta ahi ku jiri jireen. Waxba ismay beddelin. Higgaadda ereyga Barraad na way jabnayd. Kaligay baan ahay, Cabdikariin Aadan Cadde-na ilamuu socon.

Agtayda waxa fadhiya nin odey ah oo teleefonka gacanta ka dhagaysanaya war ku saabsan guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca bidixna laba dhallinyaro ah oo sheekaysanaya, iyo laba odey oo midna haaf roodhi ah cunayo, midna xabbad sigaar ah qiijinayo, ayaa fadhiya. Nimankii dhallinyarada ahaa mid kuye “hebelow, adeero, bahalkan miyaad cabtaa? maad iska daysid waa khatar e”. Intaanu hebel jawaabin baa odeygii roodhida cunayay yidhi “hadduu khatar yahay dawladdaa mamnuuci lahayd!”, kii qiijinayna “waanay u maaro helayn!”. Sheeko dheer baa ka bilaabantay halkaa, oo sii jibaaxday dhakhaatiir Jayniis ah oo dadka indhaha u qalaya, waliba bilaash wiiggan, oo mid ka mid ah odayadu shaki geliyey waxtarkooda, oo sheekadii iyadoo Goojacadde sii maraysa ayaan ka hadhay.

Waxa iga reebay, teleefonkii Cabdiraxmaan ii soo direy ee uu igu waydiiyey “halkeen kuugu imaaddaa?”, aniguna “Maqaaxidii barraadka”, kuye, “Halkee ayay ku taallaa?”. Wadhi! Berberadii aan aqaannay la isma waydiin jirey halkay ku taallaa maqaaxidani. Aniga qudhaydu ma soo fadhiisannin 39 sannadood halkan. Anigoo saluugsan jawaabta Cabdiraxmaan, ayaan ka soo tallaabay barxadda, waxoogaa istaagay Wadhacda, laba wiil oo fadhiya salaamay. Mid uun baa i dhaaday, oo iga qaaday salaanta, labaduba moobayl bay salaaxayeen. Ka soo horjeedka Wadhacdana inantii Cosob ee aan xalay bartay, baa falaash shaah ah u dhigaysay isla saddexdii xalayna ku qayilayay agteeda, waxayna afartooduba caawa daawanayeen TV-ga Qaranka. Aniguna iyagaan daawanayay, anigoo saluugsan ninkii ii garanwaayay Maqaaxida Barraadka. Waxay ku fadhiyeen kuraasi caddiir u eeg laakin bac ka samaysan.

Anigoo halkii ku dul fekeraya ayaa maqaaxida kale mid reedhiyow ku dhagaysana dallacay oo ay soo gashay Socodkii Arraweelo, danankii Alle ha u naxariistee Cabdillaahi Qarshi, heestii XuseenAw Faarax, Alle ha u naxariistee, ee habdheceedu caanka ahaa: “dhirii-ri-rii, dhirii-ri-rii, dhii-rii-rii-ri dhiiri-ri” oo iba fur u ah warka Bii Bii Siida. Markuu warku bilaabmay baan aniguna iska dhaqaaqay oo heestii qaaday “Dadkan Dhawaaqayaa, Dhulkooda doonayaa, Hadday ku dhiiddiyeen, Allahayow u dhiib”.

Sakaddii uduggaa ayaan ka soo tallaabay. Midig baan u soo leexday oo masaajidkii Reer Wacayska soo ag maray. Saa meeshii sariibadda caanaha sandaqad baa ku xidhan. Waxaan is waydiiyey tolow maqaaxidii Biixi Mire wali ma ku taallaa meesha. Waan ka xishooday islaanta yar ee caanaha ku hor iibinaysaa, mar haddaanan caanaha ka iibsanayn, inay imooddo inaan caano ka baayacayo. Waan iska dhaqaaqay. Maskaxday weli Xuseen Aw Faarax baa la hadlayay:

“Waxaan la dhuubnehee, jidhkayga dhaawacaan, idiin dhammaynayaa, dhegaa ma leedihiin?” – dhirii-ri-rii, dhirii-ri-rii, dhii-rii-rii-ri dhiiri-ri. Intaan isku idhi “anigu ma dhuubni”, baan iska sii socdey, laakiinse ku qanacsan dhego la’aanta dadkayga.

Sakaddii sinimooga markaan hormarayo, ayuu #MaxamedXadaara igu soo dhuftey teleefon. “Dr Jaamacow adeer caawa adigaa gaadhigii wata oo waan ku arkaaye, ii warran, miyaad nala joogtey?”, aniguna “Waa nabad e, maqaaxidii Biixi Mire miyey wali furantahay?”, isaguna, “Iyaa!, Maqaaxi kuma ogayn halkan Reer Biixi Mire leeyihiine, meeshu waxaan ku garaadsaday iyadoo sariibbaddii caanaha ah, iminkana waa la dayray.” Anoo yaabban baan sii shakiyey in anigu wax illaaway oo aanay halkan ahayn maqaaxidu. #EsseMusseAdan oo xilli aan sii fogeyn ku dhashay Berbera ayaan la hadlay. Saa isna waa ii garanwaayay. Waxaanse anigu garan waayay nimankan dhallinta ah ee Reer Berbera maxay u garanwaayay Maqaaxidii iyo Ilma Biixi Mire ba. Annagu waannu is wada naqaannay e. Magaaladu miyey intan ka yarayd, dadkuna ka yaraa?

“Misee dar dhoohanoon, Dhagaysan waanadoo, Warkaygu dhaafayoo, Dhufaanan baad tihiin?” – dhirii-ri-rii, dhirii-ri-rii, dhii-rii-rii-ri dhiiri-ri.

Magaaladan Berberi wax wayn bay igu leedahay. Kolkaan hana qaaday waxaan imi aniga oo is wada oo macallinimo la ii keenay, ku dhowaad 40 sannadood ka hor. Sidii ay u qiimaha badnayd ayay u qiime badan tahay. Sidii ay ilbaxa u ahayd ayay ilbax u tahay.

“Dhurwaaga meerayaa, Habeenka uu dhacuu, Dhacaama jiidhayaa, Dhereg ayuu sitaa” – dhirii-ri-rii, dhirii-ri-rii, dhii-rii-rii-ri dhiiri-ri.

Magaalada Berbera maantana waa isha dhaqaalaha waddanka, mustaqbalkana waa wadnaha Geeska.

“Dhurdaha duulayaa, Dhirtuu dalooshadaa, Malabka uu dhigtuu, Jilaalka dheer cunaa” – dhirii-ri-rii, dhirii-ri-rii, dhii-rii-rii-ri dhiiri-ri.

Haa, Reer Biixi Mire baan ka hadlayee, Axmed Biixi Mire isku gedo ayaannu ahayn, waagaa aan macallinka ahaa, reerku waa dhaqnaa markii iigu danbaysay, qaarkood baa aad iiga yaryaraa, badankoodu, haseyeeshee magacyadii waan wada xusuustaa: Maxamed (mooji naanaystii cadha badnaantiisa loogu bixiyey inuu raalli ka ahaaye, waan ka boodayaa), Bashiir, Barkhad, Ayaan, Caydaruus, Nimco, Jimcaale, Hibo (midda kaliya een geerideedii maqlay, AHU) iyo Muxiyadiin ba waa wada Ilma Biixi Mire: mar baan is idhi nimankaa ma maagtaa kuu garanwaayay dadka aanad 20-30 sannood arag haddana kuwii raad dhaqaajiska ahaa waagii kuugu danbaysay aad sii xusuusato magacyadooda. Tolow Barkhad halkuu Yurub ku danbeeyey? mar baan is idhi Farxaan Aadan Haybe isaga waydii iyo GAVO.

“Iskuulkii Hablaha” ee haddana la wada dhigan jirey horraantii 80eeyada,kolkaan macallinka ahaa, ayaan isa soo hortaagay. Hanuunintii kumay oollin. Garoonkii aan baasketka ku ciyaarijireyna iskuul kale iyo masaajid baa ka samaysan. Markaan Shide Yare hortiisa marayo, ayay soo gashay heestii “Sidii Dayrcad Ramad oo, Doox Raysle joogtoo, Duhurkii Markay tahay, Mayay Dihini uu helay”, ilaa aan soo gaadhay qolkaygiina waxa aan dhagaysanayay Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq” iyo Alle ha u naxariistee Daa’uud Cali Masxaf. Heestan, “Hadmaan Dadab Galaynaa?”, bal cilmiga ilaahay, xusuus toos ah bay la leedahay aniga iyo Berbera.

Habeen wanaagsan, Berbera, waan seexanayaaye.

Waxa Qoray Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews