Dagaal Udhexeeya Laba Beelood oo Ka Qarxay Deegaanka Cali Saahid ee Hawdka Burco oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac
May 15, 2023 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-inta la xaqiijiyay Laba Qof ayaa ku Dhintay tiro kalena way kudhaawacmeen Dagaal ka qarxay deegaanka Cali Saahid ee Hawdka Gobalka Togdher Dagaalkan ayaa udhexeeya Beelaha Habar Yoonis iyo Awal Bari oo deegaankaasi wada daga dhawaana waxaana uhore ugu dhexemaray shaqaaqooyin hore haseyeeshee dhawaan ayay Maamulka Gobolka Togdheer Kadegmada Burco,Xildhibaano Baarlamaan oo labada dhinacba ah iyo Madax Dhaqameed kasoo jeeda deegaankaasi soo afjareen shaqaaqadaasi iyagoo baabi,iyay deegaamayn cusub ee laysku hayay halkaasina laga sameeyay layskuna waafaqay in la baabi,iyo
Ciidamada amaanka Gobolka Togdheer ayaa ku baxay joojinta xaaladaas dagaal oo aan la ogayn Cida Jabisay heshiiska haseyeeshee labada dhinacba isku eedaynayaan
Berberatoday.com