berberatoday.com
Madaxweynaha Jsl oo Shalay Soo Kormeeray Dhaawacyada Ciidamada Qaranka Ee Yaala Cusbitaalka Ciidamada Iyo Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Burco.
May 18, 2023 - Written by admin

Burco(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Burco iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, waxaanu u mahadnaqay dhammaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isagoo madaxwaynuhu ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday geesiyaashii ciidamada Qaranka ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala danbeeyey ee Laascaanood, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood, dawladduna u hurayso wax walba oo la xidhiidha daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, isla-markaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco.

Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews