berberatoday.com
Cisbataalada Dalweynaha Hindiya oo Noqday Goobta Koowaad ee Dadyawga Somalidu Caafimaadka Uraadsadaan Iyo Sababta.Waxa Qoray Cabdirashiid Jaamac
May 30, 2023 - Written by admin
Dalwayanaha India ayaa noqday waddanka ay ugu booqashada badan yihiin dadka Somalida ahi,

Sanaddii ugu danbeeyay, marka loo eego wadamada dadka Somalida ahi u aadi jireen caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo dalxiiskaba. Mudaddee ugu danbaysay ayaa waxa jiray wadamo ku yaala qaaradaha Asia iyo Afrika oo dadka Somalida ahi utagi jiriin adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada iyo sidoo kale ganacsigaba. Wadamadaasi ayaa waxa ka mid ahaa, Turkey, Malaysia,China, Masar, Ethiopia, UAE iyo Dalwayanaha Hindia. Hase ahaatee labadii sano ee ugu danbeeyay ayaa dad ka Somaliyeed dhamaanba isugu biyo shubteen wadanka Hindia.
Hadday noqoto Waxbarasho, Caafimaad iyo Ganacsiba. Sida warar xogogaal ahi tibaaxeen, Somalida ka qaadatay visa-ha dal ku galka wadanka Hindia Safaaradooda ku taal Dalka Itoobia(Ethiopia) Magaalada Arda sababa(Addis Ababa) ayaa lagu sheegay 10,000 oo qof inay ka qaateen viso, 7 dii bilood ee ugu danbaysay.
Sidoo Kale dadka Somalida ee ku nool wadama reer galbeeka sida Yurub, Amerika iyo Canada ayaa iyaguna u baqoola wadanka Hindia marka ay lasoo gudboonaadan xaalado caafimaad darro. Guud ahaanba wadanka Hindia ayaa aad iyo aad dhisay una horumariyay qaybaha caafimaadka ee daaweynta loogu yimaado.
Wadanka Hindia oo kamida wadamada dhaqaalohoodi sida aadka ukorayo ayaa si wayn uga dhex mudhay wadamada jaarkiisa ee dhaqaalo xumadu saamaysay waayahan danbe, kuwaasi oo latiicaya deganaansho la’aan xaga dhaqaalaha iyo maciishadda oo sare ukacday, sida Sri lanka iyo Pakistan.

Hindia oo hadda loo aqoonsaday wadanka ugu dadka badan aduunka laguna qiyaasayo dadka ku nool waddankaasi inay kor udhaafeen 1.4 Billion, ayaa larajaynayaa sidoo kale inuu bedeli doono waddanka Shiinaha(China) xaga waxsoosarka maadaama laga cabsi qabo inay shaqaale yaraani ku dhacdo wadanka Shiinaha, maadaama ay joojiyeen ama xakameeyeen dhalmadii, dadka hadda noolina ubadan yahay dad waawayn oo aan warshado kashaqayn karayn.
Sababta dadka Soomalidu ugu butaacayaan wadanka Hindia, muddooyinkan danbe ayaa lala xidhiidhinayaa arimahan hoos ku qoran:
1) Qalabka caafimaadka iyo Technolojiyada wadanka Hindia oo Horumarsan
2) dhakhaatiir xirfad sare leh iyo kalkaaliyayaal tababaran oo ay leeyihiin.
3)Qiimaha adeega oo aad ujaban marka loo eego tayada adeega oo aad ufiican.
4) Dadka Hindia udhashay oo dhaqan dheer iyo is dhexgal la lahaan jiray dadyawga geeska Afrika gaar ahaan Somalida oo ay meelo badan iska shabahaan sida cuntada oo kale.
Dad badan oo Somali ah oo aanu la kulanay ayaa nooga waramay inay adeeg caafimaad oo aad u tayo sareeya ay ka helaan wadanka Hindia, gaar ahaan xanuunada khatarta ah ee wadanka iyo wadamada jaarka toona aan waxba lagaga qaban Karin, sida xanuunka kansarka(Cancer) oo baryahan danbe ku soo badanaya dad ka Somalida.

Dhawaan ayay ahayd kolkii aya saxaafadda duniada qabsatay gabadhan yare e Somaliyeed ee Fadumo oo xanuunka Kansarka laga daweeyay wadanka Hindia.
Waxa Qoray Cabdirashiid Jaamac
00252634401999
COMMENTS
|