“Qoraalka Kasoo Baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Wax Qiime Sharci Ah Malaha Waxaanu Baal Marsan Yahay Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka”Cabdirisaaq Khaliif
June 7, 2023 - Written by admin
Cabdirisaaq Khaliif ayaa dacwada loo haysto sidan hoos ku qoran kusoo jawaabay.
“Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha waxaanu baal marsan yahay Dastuurka iyo dhamaan Xeerarka Dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo waana arin Jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] ee Awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu Xadgudbay.