Dagaal Hubka Culus Laysu Adeegsaday oo Garowe Ka Dhacay Maanta Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
June 20, 2023 - Written by admin
Meydka 4 qof oo shacab ah iyo dhaawaca tobaneeyo kale ayaa la geeyey cisbitaalka Guud ee Garoowe sida ku warramayo wariye Maxamed Saalax oo Garoowe ku sugan.
Dagaalka ayaa weli socda lamana xaqiijin karo khasaaraha labada ciidan oo isu adeegsanaya hubka waa weyn Waxa ilaa xalay laga qaxaayay xaafadaha Magaalada Garowe oo sansaan coladeed lagu arkaayay.
Dagaalka ayaa udhexeeya Ciidamo Taabacsan Mucaaradka kasoo horjeeda Xukumada Siciid Dani iyo In wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka Maamulkaas uu Madaxweyne Dani Damacsanyahay inuu Ka Dhigto shaadh isaga leeg iyo Ciidamo kaloo lagu sheegay kuwa dawlada oo Taabacsan Madaxweynaha.
Dagaalka ayaa weli socda khasaaraha labada ciidan ee dagaalamayana weli lama oga,
Geesta kale Baarlamaanka Puntland ayaa fadhi jujuuba ay maanta yeesheen shaaciyey in ay ansixiyeen wax-ka-beddelka Dastuurka.
34 Xildhibaan ayaa oggalaatay , hal mudane ayaa diidday, ma jirto cid ka aamustay, sidaa ayaana la sheegay inuu ansax ku noqday soo jeedinta in wax laga beddelo Dastuurka, iyadoo fadhiga ay soo xaadireen 35 Xildhibaan – sida lagu shaaciyey bogga Baarlamanka oo baahiyey sawirradan.
Dagaalka Garoowe ayaa weli sidoo kale socda, iyada oo si joogta ah loo maqlayo hubka waa weyn.
Berberatoday.com